Theresa May ayaa la wareegtay xilka Raysal-wasaarenimada Ingiriiska. Iyadoo ka hadlaysa guriga Raysal-wasaaraha ee Downing Street ka dib markii ay la wareegtay xilka.
May ayaa sheegtay dawladeeda in ay u shaqayn doonto dadka oo dhan.
Waxay balanqaaday in ay la dagaalanto sinaan la’aanta. Waa Raysal-wasaarihii saddex iyo tobnaad ee xilka qabta inta ay joogtay Boqorada Elizabeth, iyadoo la kulantay Boqorada si ay dawlad u samayso, kadib markii ay Boqoradda ay ka aqbashay is casilaada David Cameron daqiiqado ka hor.