Madaxweyne Siilaanyo waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa Raysal-wasaaraha cusub ee Ingiriiska Theresa May

Madaxwayne Axmed Maxamed  Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, wuxu dhambaal hambalyo iyo boogaadin ah u dirayaa Raysal-wasaaraha Cusub ee Ingiriiska Theresa May oo shalay oo Arbaco ahayd 13.07.2016 la wareegtay xilka hogaamiye-nimo ee dalkaas.

Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisa ku yidhi:

”Anigoo ku hadlaya Magacayga ka dawladayda, iyo kan shacbiga Somaliland gudo iyo dibedba, waxan kuu soo gudbinayaa hambalyo iyo bogaadin ku aaddan xilka cusub ee ra’iisal wasaaranimo ee laguugu doortay dalkaaga inaad hoggaamiso.”

Isagoo hadalkiisa sii watan waxa uu yidhi:

“Waxan si muqleh kugu rajaynayaa inuu kuu fududaado xilkaa culusi, oo aad uga jibbo keento si buuxda. Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska waxa ka dhexeeya xidhiidh qoto dheer oo soo jireena, soona taxnaa qarniyo, kaasoo ku dhisan is-aaminaad, istixgelin, wax wada qabsi iyo iskaashi dhinacyo badan leh, waxana xidhiidhkaasi kor u sii qaaday oo xoogeeyey ra’iisal wasaarihii kaa horeeyey David Cameron, oo April 18/ 2013, nagu qaabiley Xarunta looga arrimiyo dalkiinna ee 10 Downing Street, anigoo ku rajo weyn inaad adiguna halkaa ka sii ambaqaadi doonto xidhiidhka labada dal, kaasoo wax badan ku soo kordhindoona, wada shaqaynteenna, gaar ahaan, dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, horumarka iyo arrimaha nabadgelyadaba.”

Waxa uu dhambaalkiisa hambalyada ah ku soo afmeeray:

“Waxaan mar kale kugu bogaadinayaa caleemo saarka xilka ra’iisal wasaarenimo iyo masuuliyada laguu cugtay, anigoo ku han-weyn, kuna kalsoon inaad dalkaaga u horseedi doonto horumar iyo barwaaqo.”

bandhige@gmail.com