Theresa May waxay magacawday wasiir aanay dunidu filayn

 

Daqiiqado kadib markii ay noqotay Ra’iisal-Wasaaraha Ingiriiska, Theresa May waxay ku dhawaaqday xayn ka mid ah golaheeda wasiirrada. Badankooda waa la saadaalinayey in kasta oo jagooyinkii laga filayey aanay u kala magacaabin. Hase ahaatee waxay magacawday wasiir aanay dunidu marnaba filayn in uu ka mid noqon doono golaheeda wasiirrada. Waa Boris Johnson.

Theresa May waxay Boris Johnson u magacawday Xoghayaha Arrimaha Dibedda ama Wasiirka Arrimaha Dibedda qofba sida uu u yaqaan. Ninkan waxa lagu xasuustaa in uu yahay ninkii hor kacay go’aankii uu Ingiriisku kaga baxay Midowga Yurub isla markaana markii dambe diiday in uu noqdo Ra’iisal-Wasaarihii fulin lahaa go’aankii uu Ingiriisku kaga baxay Midowga Yurub.

Theresa May Boris Johnson
Wasiir Boris Johnson iyo Ra’iisal-Wasaare Theresa May oo wada socda

Intii ay ku wada jireen xisibga Conservative-ka, waxa lagu yaqaanay in ay ahaayeen laba qof oo mar walba iska soo hor jeeda. Iyadu waxay si adag ugu ololaysay in Ingiriisku ka sii mid ahaado Midowga Yurub taas oo ahayd khilaafka ugu weyn ee ka dhexeeyey iyada iyo Boris Johnson.

Dunida badankeeda ayaan Boris looga arkaa in uu yahay siyaasi qalqaali ah oo ku tallaabsan kara arrimo lama-filaan ah. Laakiin wuxu sumcad ku helay muddadii uu ahaa maayor-ka London oo la tibaaxo in uu meelmariyey isbeddelo magaalo-madaxda Ingiriiska u hor seeday horumar. Boris wuxu ka mid yahay siyaasiyiinta wajigooda loogu aqoonsiga og yahay qaaradda Yurub.

Magacaabista Boris Johnson waxay astaan u tahay in Theresa May ay ka go’an tahay in ay Ingiriiska ka saarto Midowga Yurub maadaama uu yahay nin dadweynaha Yurub ay aad u neceb yihiin.

Bandhige@gmail.com