Trump oo bilaabay beerlaxawsiga Muslimiinta

Donald Trump oo hore u jeediyey hadalka ay dhibsanadeen Muslimiinta iyo mucaaridka Maraykanka ayaa waxa uu haatan muujiyey dabacsanaan uu u muujinayo dadka Muslimiinta.

Trump oo wareysi siiyey telefeshanka Fox News ayaa waxa uu sheegay in ay hadalkiisii hore ahaa soo jeedin kaliya, balse aanay ahayn wax uu fulinayo.

Donald Trump ayaa haatan waxa uu qooma ka muujiyey hadalkaasi, Trump ayaa waxa uu yahay ninka hadalo cadcad mushaxiinta doonaya in ay u tartamaan doorashada Madaxweynenimo ee Maraykanka.

Trump ayaa waraysigan waxa uu kaga jawaabay hadal uu jeediyey duqa cusub ee London Sadiq Khan oo Muslim ah kaasi oo uu sheegay in aanu tagayn Maraykanka oo uu Donald Trump Madaxweyne ka yahay, sababo la xidhiidha caqiidadiisa ay ku salaysan Muslim necaybka.

Khan ayaa waxa uu gebi ahaanba diiday hadalka kasoo yeedhay Trump oo ku sheegay in aanu isagu ku jirin Muslimiinta Maraykanka laga celinayo.

Trump ayaa waxa wakhti xaadirkan u muuqaadaa mid mowqifkiisii hore ka soo dabcay, kadib markii uu Madaxda Muslimiinta uu qaar ka soo reebay Muslimiinta uu doonayo in aanay soo gelin Maraykanka.

bandhige@gmail.com