Maantana Abaar berina way Daad mid waliba ii daran (Q: Maxamed Yaasiin Maxamed)

Waxaynu nahay bulsho nolosheedaba abaar iyo barwaaqo ay kala goosatay, bulsho tabar daran, had iyo jeerna ku foogan waxaan danteeda ahayn, bulsho hadba waxa soo mara aan ku waayo qaadan, Bulsho ilowsho badan waxaynu nahay bulsho cidii doontaaba ay ka fushan karto waxay doonto, bulsho colaadeed, mid qabiili iyo weliba bulsho aan aqoon lahayn xitaa kuwooda wax bartay reernimadaa ka adag.

Waxaan uga socdaa waxaas oo dhan bal dhinac kastaba u fiirso waxaad arkaysaa inaynu nahay dad wax yar oo ay qaban karnaan ka bakhtiyaya, boqolaal sanno waxa sannad walba inala deris ahayd abaar dad iyo xoolaba ina bar tirta, ma jirto waxaynu kaga tabaabushaysanay oon ka ahayn in xitaa barwaaqada da’daa ay iyana dhibaatadeeda inoo gaysato, oo aad arkayso dooxyadii oo dadkii qaadaya, xoolo iyo gaadiidba, oo xitaa aynaan baabuurta Samir daro darteed aynaan sugi karin inta ay biyuhu yaraanayaan taasoo ay marwalba qaadaan dad aad dhaxdeena ugu qiimo leh.

Ka darane weliba dooxyadiisi biyihii aynu u baahnayn ee aynu dareenay dhibkooda si hawl yar ayay bada ugu daraan, tabar daradeedan waxaynu ka adag nahay in aynu afka uun ka tookhno, oo xitaa aynu la caadifadoono waxyaabaha dhacaya, inkastoo uu Illaahay keenay hadana eeshu waa feejigo daraanteena, bal u fiirso mushkiladaha aynu abuurno dad badan oo inaga midi waxay dhul daaqeenkii ay ka samaysteen seerayaal kaasoo xoolihii laga xidhay daaqii, waxaynuna jecel nahay in xooleheenu ay helaan meelo ay daaqaan, waa yaab halkee ayaad la jeceshahay markaa in xoolahaasi daaqaan,waxaana dhacday in reernimo loogu hiiliyo dadkaa beer beenaadka samaystay, bal eeg banka Qool-caday wuxuu anfacayaa cid walba mid degan meeshaa iyo midaan deganayn, dawlada iyo adduunku waxay isku dayeen abaarahan badan dartood in ay inoo maal geliyaan laynoona xidho wakhtiyada barwaaqada si xooleheenu ay ugu baxsadaan xiliyada abaaraha, laakiin fulinteedii waxaa ku qudhbeelay nafo aynaan ka maarmin qaar kalena waa ay ku dhaawacmeen keliya in aan waxba la hir gelin.

Waxaynu u baahan nahay horumar iyo in aynu helo maalgashiyo si ay dhallinyaradeenu u helaan shaqooyin ay ku tanaadaan kagana maarmaan tahriibka ay boqolaal carruurteena ahi ay ugu madhanayaan badaha masar, Liibiya iyo Talyaaniga, in markaa khayraadka dalkeena la soo saaraa waa muhiim  balse inaga ayaa iska hortaagan cid kalena maaha waa aqoonyahanada la sheego bal inta shir ee nimanka Ingiriiska caydha ka qaataa ay kaga horyimaadeen shidaal qodista Ganel Energy ee somaliland eega, hanti badan ayay ku bixiyeen iyagoo reernimo keliya ku doodaya balse aan u tudhayn inta waddankii ku baahan haddii iyaga uu bariiskoodu diyaar yahay, taasi waxay dhalisay in la weeraro shaqaalihii shirkadaa waddankana ay isaga baxaan.

Sibidhka waddanka lagu isticmaalaa Itoobiyuu ka yimaadaa, Diridhaba kii Berbera maxaa halaad u malaynaysaa, wax kale ma helin reernimaa heshay anagaa leh ayaa la leeyahay waa intaas keliya awood iyo tamar lagu soo saarana uma hayaan markaa waa sidaa uun ha ahaato dushana aan ka eegano.

Dhibaatooyinku maaha intaasoo keliya balse kuwan tusaale ayaan u soo qaatay waana inta ugu yar ee tamar daradeena loo soo qaadan karo.

Maanta adduunyada cimiladeedu waa ay is bedelaysaa, si aad u daran ayayna isu bedelaysaa waddamo badan oo baraf ka di’i jiray ayaanay maanta barafkii uu ka guuray qaar badan oo aanu baraf ka di’i jirina ayuu ka da’ayaa waxaan ka mid Eretariya, Asmara iyo Sucuudiga qaybo badan oo ka mid ah kii da’ay sannadkii 2013-kii. Haddii uu Somaliland uu ka da’o baraf intaas in le’eg ayaa inaga soo hadhaysa ileen uma samaysnin ummad nolosha isla bedeshee, maxay xooleheenu cuni doonaan ama aynu xidhan doonaa, maanta ayaynu qabsan kari la’nahay biyaha aynu u baahan nahay ee togagu ay bada ku darayaan nafteena iyo xoolaheenun a ay u baahan yihiin, waxaynu ka kici la’nahay fadhiga qaadka oo ah masiibo qaran oo ka daran tahriibka weliba kiisa lagu madhay, oo kumanaan dadkeenii ah ayaa qaadku u yahay masiibbo maalin walba haysata dhan walba dhaqaale ahaan, caafimaad ahaan, arrimo bulsho ahaan iyo xitaa cibaado ahaan, waxaynu u baahan nahay in aynu fadhiga ka kacno, aynu isku tashno, aynu ka xorowno qaadka, qabyaalada, aynuna sharciga iyo kala danbaynta aynu xoojino.

Allaa Mahadleh

Qalinkii Maxamed Yaasiin Maxamed