Dagaalkii Ingiriisku Sayidka ku jebiyay Q3aad (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Qabsashadii Ingiriiska ee Taleex

Taleex waa goob nooca ee ah

Taleex waxa la degay sannadkii 1912-kii, ka horena waxa ay ahayd ceel xooluhu biyaha ka cabbaan Daraawiishtu waxa ay ka dhisteen Taleex afar qalcadood oo kala ah:

  • Falaad: waxa ay ahayd aqalka Sayidka
  • Daawad: waxa ay ahayd xarunta martida xarunta meel loogu talogalay
  • Eegi: waa goobtii ilaaladu lahayd, waxa dusheeda laga arki karaa 50 mayl
  • Silsilada: oo ahayd qalcadda ugu weyn ee hubka iyo raashinka lagu kaydiyo

  Ciidamadii Weerarka Qaadayey Iyo Hubkooda

  • Koox diyaarado ah (D.H.9) oo haysta lix mashiin oo kayd ah, loona yaqaaay xubinta “ Z” oo ka tirsanaa ciidankii cirka ee Boqortooyadda
  • Rakuubley Soomaali ah oo sita 700 oo Buntukh
  • Urur isugu jira lixaad iyo labaad ee ciidankii Buntukhleyda afrika ee Boqorka” Kings African Rifles”, oo sida 700 Buntukh.
  • Ururka BARK koowaad iyo boqol iyo koowaad ee ciidanka Bamka qarxiya oo ahaa ciidanka Hindi, oo sita 400 oo Buntukh.
  • Askar laga soo ururiyey Qabaa’ilka Soomaalida oo aan joogto ahayn, 1,500, iyo 300 oo ilaalo ah.

4/2/1920-kii ayay diyaaradihii Ingiriisku Taleex Bambooyinkooda kaga qaadeen, laakiin khasaare badan muu geysan, sidoo kale 5/2/1920-kii ayuu Ingiriisku ciidankiisii dhulka isugu geeyey Qawlo oo qiyaastii 10 mayl u jirta Taleex, kana xigta dhinca koonfur galbeed. Balse waxa xaruntii Taleex ka baxsaday Sayidka inankiisii C/raxmaan Sayid Maxamed iyo Yuusuf Xayle oo Sayidka adeer iyo soddog labadadab u ahaa. Waxa ay u galeen ciidankii Ingiriiska oo jooga Qawlo, waxa aanay  bixiyeen xog ah inuu Sayidku Taleex joogo, kuna jiro Qalcadda Silsiladda, ciidan xoogan u haysto.

Sidoo kalena ay haystaan Raashin ku filan muddo sannad ah, hasa yeeshee ay niyad jabsan yihiin. 1-dii duhurnimo ayay ciidankii Ingiriisku weerareen xaruntii Taleex, iyaga oo hareereeyey si Sayidka gacanta loogu dhigo.  Laakiin 4-tii galabnimo ayuu Sayidku ka baxsaday Taleex waxaan sii raacay shacabkii iyo ciidankiisii intii ku xeeranayd, intii dagaalku socday ciidankii Daraawiishta waxa laga diley tiro badan, qaarkoodna waa la qabtay.

Raga ka tirsanaa ciidankii Ingiriiska oo Soomaali ahaa ayaa sheegay inay arkayeen markuu Sayidku baxayey, balse maanu doonayn inuu Ingiriisku qabto. Fiid dambe ayaa laga war helay in Sayidku ka baxsaday Qalcaddii Taleex. Ka dib waxa laga daba diray 700 askari oo Fardooley ah, balse lama gaadhin. 7/2/1920-kii ayey xaurntii Taleex gacanta u gashay ciidankii Ingiriiska iyo huwantiisii. Sayidka iyo kooxdii la socotay waxa ay galeen Buuraha Boocame iyo Biratable. Co-weyne oo ahaa ciidan Daraawiish ah iyo huwantii Ingiriiska ayaa ku dagaalamay dooxa WAW oo waqooyi galbeed ka xiga Garoowe, waxaana goobtaasi lagu dilay 40 qof oo ay carruuri ku jirto, waxa ka mid ahaa 7 wiil oo Sayidku dhalay.

Sidoo kale waxa la’laayey Daraawiishti maxaabiis ahaan loo soo qabtay. Markii ay qaxeen Sayidka iyo Daraawiishtii la socotay oo isugu jira dhaawac iyo kuwa fayow ayaa isugu tegay Nugaal. Sayidka ayaa niman sahan ah u diray inay soo eegaan dhulkii ay ka soo qaxeen xaalkiisa, warkii lagu soo celiyey ayaa noqday inuu dhulkii u gacan galay Ingiriis iyo huwantiisii.

Ka dib Sayidka iyo intii la socotayba waxa ay u jihaysteen dhinacaa Soomaalida Itoobiya maanta, waxa ay sii mareen Docma, Gallaadi ilaa Wardheer, waxa aanay u dhaafeen Afyaraaddo oo Wardheer ka shishaysa, oo qiyaas ahaan u jirta 30 mayl. Socdaalkii qixitaanka waxa ay Sayidka iyo kooxdii la socotay ugu gudbeen deegaanka Shinniile, halkaasina way degeen.

Wixii intaasi ka dambeeyey Daraawiishtii waxa ku habsaday Furuq, Duumo iyo Nafaqo daro aa du naafeeyey, isla-markaana waxyeello weyn u geystay. Wuxuu Sayidku halkaasi ku waayey Rag tiro badan, sida walaalkii oo la odhan jiray Khaliif Cabdille. Dhibtaasi waxa ay Sayidka ka keentay inuu ilmeeyo. Sidoo kale waxa halkaasi ku soo afjarantay qorshihii Sayidka ee ahaa inuu dagaal rogaal-celin ah ku soo qaado Ingiriiska.

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Somaliland

Calicoomay@hotmail.com

Tixraac:

Taariikhdii Daraawiishta iyo Sayidka….. Aw Jaamac Cumar Ciise, AHN, Jabuuti 2005.