Baqdaad: Weerar qarax oo ay ku dhinteen 50 qof

Qarax babauur oo ka dhacay goob suuq oo ku yaalla xaafada Shiicadu u badan tahay ayaa waxa ku dhintay in ka badan 50 qof.

Qarax ayaa ruxay suuqa oo ku yaalla xaafadda Sadr, xilli ay dadka shaqo tagayeen aroortii hore.

Cisbitaalada iyo saraakiisha amniga ayaa sheegay in ay ka cabsanayaan in dhimashada ay korodhto. Ugu yaraan 40 qof oo kale ayaa lagu dhaawacay weerarka.

Baabuur kale iyo dhismooyin ka dhow goobta ayaa sidoo kale si xoog leh ay waxyeello u gaadhay, sida ay sheegeen saraakiisha.

Kooxda Daacish ayaa durbaba sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Kooxdan ayaa inta badan weeraro xooggan ka fulisa Baghdad, gaar ahaan goobaha ay Shiicadu ku badan yihiin.

Daaciish waxay sheegtay in weerarka maanta uu fuliyey qof ismiidaamiyey, hase yeeshee saraakiisha Ciraaq waa ay beeniyeen arrintaas.

bandhige@gmail.com