Donald Trump lagu waddo in uu noqdo musharraxa Xisbiga Jamhuuriga ee madaxtinimada Maraykanka ayaa sheegay in aanu xidhiidh fiican la samaynayn Raysal-wasaaraha Ingiriiska David Cameron haddii uu noqdo Madaxweynaha Maraykanka.
Hore ayaa waxa uu Raysal-wasaare Cameron ugu eedeeyey Trump in uu kala qaybinayo bulshada oo doqoniimana u dheer tahay, wakhtigaas oo Trump sheegay in uu ka mabnuuci doono Muslimiinta Maraykanka.
Donald Trump wuxuu kaloo ku xujeeyey duqa cusub ee magaalada London Sadiq Khan tijaabo xagga caqliga ah, kadib markii uu sadiiq Khan sheegay in Trump uu jaahil yahay.
Khan waxa uu sheegay in uusan tagayn Maraykanka oo uu xukumo Trump, sababo la xidhiidhka caqiidadiisa, waxa uuna ku gacan seydhay hadal ka soo yeedhay Trump oo ahaa in isaga uusan ku jirin Muslimiinta Maraykanka laga celinayo.
Trump wuxuu sheegay in uu arrintaas aad uga xumaaday.