Trump: Safaaradeena Israa’iil waxaan geyn doonnaa Qudus, sheegayna in uu burburin doono heshiiska nukliyeerka Eeraan

Ninka u tartamaya musharraxnimada xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka ayaa sheegay in uu safaaradda Maraykanka ee Israa’iil ka qaadi doono Tel Aviv oo uu geyn doono Qudus.

Trump ayaa la hadlayay ururka ugu saameynta badan kuwa u ololeeya arrimaha Israa’iil ee Maraykanka ee loo yaqaano AIPAC.

Donald Trump ayaa sheegay in siyaasadiisa dibbeda ah ee ugu horeysa ay noqon doonto in uu daaqada ka tuuro heshiiska Nukliyarka ee Eeraan.

Trump, oo ugu cad cad Musharaxiinta xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegay in heshiiskaasi uu halis ku yahay Maraykanka, Israa’iil iyo Bariga Dhexe.

bandhige@gmail.com