26 qof oo ku dhintay qaraxyo ka dhacay Brussels

Laba qarax ayaa ruxay gagida diyaaradaha ee Zaventem ee Brussels iyo qarax kale oo ka dhacay goob tareenka laga raaco ayaa waxa uu ku dhintay 26 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 50 qof.

Warbaahinta guduhu ayaa waxay soo tebinayaan wararka isa soo taraya ee qasaaraha qaraxyaduu ka tageen.

Qaraxyadani waxay imanayaan afar maalmood kaddib markii Brussels lagu qabtay Salax Cabdisalam oo ahaa ninkii lagu tuhunsanaa qaraxyadii Paris ka dhacay bishii November.

Sawiro la soo dhigay baraha ay bulshadu ku xiriirto ayaa muujinaya mid ka mid ah dhismayaasha garoonka oo uu qiiq ka baxayo, waxaana jira warar sheegaya in jahwareer uu ka dhacay garoonka intii ay dadku isku dayayeen in ay ka cararaan qaraxa.

Adeegii tareenka ee garoonka ayaa la hakiyay dadkana waxaa lagu amray in aysan garoonkaasi aadin.

Waxaa jira warar kale oo sheegaya in ugu yaraan mid ka mid ah qaraxyadaasi uu ka dhacay goobta tigidhada laga xaqiijiyo ee shirkadda American Airlines ay ku leedahay garoonka gudahiisa, balse warkaas lama xaqiijinin.

Warbaahinta Belgium ee RTBF ayaa soo xigatay qof goob jooge ah oo sheegaya in uu arkay dad dhaawac ah iyo kuwo kale oo miyir daboolmay oo daadsan qaybta ay dadku ka dhoofaan.

Wasiirka arrimaha Guddaha ayaa waxa uu sheeay in 600 qobol oo ciidan ah la dhigay Brussels.

Sidoo kale waxa cambaareeyey qaraxyada Brussels madax badan oo ku jiro Raysal –wasaaraha David Cameron.

bandhige@gmail.com