Ciidamada ammaanka ee Turkiga ayaa sheegay in ku dhawaad siddeed kun oo boliis xilka laga qaaday kadib markii uu fashilmay afganbigii dawladda lagu ridi rabay toddobaadkii hore.
Warfaafinta ayaa sheegaysa in saraakiisha lagu eedeeyay in ay xidhiidh la lahaayeen Fethulah Gulen, oo ay dawladda ku eedeynayso in uu soo abaabulay afgambiga.
Ilaa lix kun oo ciidan iyo shaqaalaha garsoorka ayaa la xidhay.
Wakaalada wararka ee Turkiga Anadolu ayaa sheegtay in ay ku jiraan jeneraalo.
Siddeed sarkaal oo Giriiga helikobtar ku galay ayaa maxkamad dalka Giriiga la horkeenayaa kadib markii ay waddanka si sharci daro ah ku soo galeen.