Donald Trump oo wax-akhriska ku tilmaamay wakhti-lumis

 

Haddii uu Donald Trump madaxweyne noqdo 1-da November, wuxu taariikhda ku gali doonaa madaxweynihii ugu wax-akhriska yaraa taariikhda Maraykanka. Sida ay sheegeen dadka habdhaqankiisa daraaseeyaa, isaguna uu qirtay, waa nin aan haba yaraatee wax-akhriska abateedย u hayn. Jariiradda caanka ee Washington Post isaga oo u warramaha wuxu yidhi:

“Anigu ma ihi kuwa waraaqaha iyo buugaagta dhumucda leh wakhtigooda ku lumiya. Waxan ahay nin ficilka iyo wax-qabadku qiimo u leeyihiin. Waxan ahayn nin maskaxdiisa ku kalsoon”

Bulshada Maraykanka ayaa ka mid ah bulshooyinka wax-akhrisku qiimaha weyn u leeyahay, sidaas daraadeed qofkii aan wax akhriyin waxay u arkaan qof aan macluumaad badan hayn go’aannada uu gaadhaana ku salaysan yihiin garaadkiisa oo kali ah taas oo horseedda khaladaad fara badan.

Hase ahaatee Donald Trump ayaa aaminsan fikrad taas ka duwan.

“Waxan muddo dheer maamulayey gacansi caan ah. Kuwa sheegta in ay maalin oo dhan wax akhriyaan marka aan u diro arrin ee aan soo daraaseeya yidhaa haddana aniga uun baa ka saxsanaada. Waxay ku odhanayaan khabiir baan ahay oo wax badan baan soo akhriyey haddana waxba ma soo kordhiyaan.”

Madaxweyneyaasha taariikhda casriga ah ee Maraykanka soo maray ee ugu akhriska badnaa waxa ka mid ah Barack Obama, Bill Clinton, George H.W. Bush (Kii weynaa), Jimmy Carter iyoย Richard Nixon. Kuwa akhriskoodu yaraaย waxa ka mid ah Dwight Eisenhower, Ronald Reagan iyoย George W. Bush (kii yaraa). Hase ahaatee madaxweyneyaashan akhriskoodu yaraa waxay dhalliishooda ku kabi jireen iyaga oo diyaarsaday niman wax soo akhriya kadibna u soo kooba oo af ahaan ugu sheega wixii ay akhriyeen. Taas ka soo horjeedkeeda, Donald Trump wuu neceb yahay wixii khubaro lagu sheego oo dhan.

“Waxba ma soo kordhinayaan, firkrad wanaagsan oo aad keeni lahayd ayuun bay kaa dhex galayaan. Akhris maxaa looga baahan yahay? Haddii aad maskax wanaagsan leedahay garaadkaaga ayaaba kugu filan” ayuu yidhi Donald Trump sida ay qortay Washington Post.

Murasha Jamhuurigu isaga oo hadalkiisa sii wata wuxu yidhi:

“Qacda ugu horreeysa ee arrinka la ii sheego ayay igu soo dhacdaa waxa uu go’aanku noqonayo. Waxa jira saddex nin oo buugaag iga qoray oo laba ka mid ah buugaagtoodii isla markii aan arkayba aniga oo aan akrhisan aan maxkamadda la tiigsaday kadib mariii aan dareemay in ay si tayo liidata wax u qoreen. Markii maxkamaddii noo gar qadday, taydii bay noqotay”

Washington Post oo Trump xafiiskiisa ku booqday waxay sheegeen in wax buugaag ah oo u dhex yaalla aanay jirin marka laga reebo tobaneeyo majaladood oo uu bogga hore kaga sawiran yahay. Sidoo kale waxay sheegeen in aanu miiskiisa u dul oolin aaladda wararka lagu kala helo waxna lagu akhristo ee kombiyuutarka.

Donald Trump oo la weydiiyey in uu akhrin doono taariikhdii madaxweyneyaasha Maraykanka soo maray si uu waayo’aragnimo uga korodhsado maadaama uu rabo in uu madaxweyne noqdo wuxu yidhi “Waaban akhrin lahaaye wakhti baanan u hayn. Aniga oo aan madaxweyne ahaynba wax ma akhriyi jirin markaa ma u malaynsaa in aan wax akhrin doono marka aan madaxweyne noqdo?”

Khuburada dhinaca go’aan-gaadhiska iyo kobcinta garaadka oo arrintan wax laga weydiiyey ayaa sheegay in wax-akhriska aan sinaba looga maarmi karin. “Ama waa in aad adigo akhrisato, ama waa in aad haysato cid kuu soo akhrida kadibna kugu dul akhrida. Haddii aanad labadaa dhaqan midna lahayn, go’aanada aad gaadhaa waa ay adkaanaysaa in ay noqdaan kuwo sax ah” ayay yidhaahdeen khubaradu.

Bandhige@gmail.comย