Xeer-ilaaliyaha Guud ee Somaliland wuxuu dacwad ciqaab ah ku soo oogay Ibraahim Cismaan Axmed oo ah tafa-tiraha Hangoolnews. Ibraahim waxa lagu eedeeyey inuu “daabacay war been abuur ah iyo af-lagaado.” Maxkamadda Gobolka Hargeysa waxaay dacwadda dhegaysatay 17kii July 2016.
Sida ku cad xaashida eedda, tafatiraha waxa lagu haystaa war laga qoray maareeyaha Gegiga Diyaaraha ee Cigaal iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista iyo Hawada. Warka lagu qoray bogga interneetka wuxuu dhaliilay adeeg bixinta Gegida iyo in maareeyaha gegida diyaaraduhu uu dhaafiyay cashuur alaab ka soo degtay garoonka, sida ku qoran xaashida eedda.
Lix suxufi oo kale ayaa hadda dacwadi kaga socotaa Maxamadaha dalka. Muuse Faarax Jaambiir, gudoomiyaha Ogaal, Cabdirashiid Nuur Wacays, gudoomiyaah Hubsad, Siciid Khadar Cabdilaahi, tafatiraha Hubsad, Cabdirashiid Cabdiwahaab Ibraahim, gudoomiyaha Foore, Maxamed Maxamuud Yuusuf, tafatiraha Foore iyo Calimahdi Jibriil Xasan, Bulsho TV, ayaa dacwado ciqaab ahi siyaabo kala duwan uguga socdaan Maxkamadda Gobolka Hargeysa.
In ciqaab lagu soo oogo saxaafaddu waa hab lagu cabudhinayo saxaafadda oo ka soo horjeedda dastuurka Somaliland islamarkaana aan la aqbali karin. Dawladdu waa inay ixtiraamtaa dastuurka dalka.
Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay Xeer-ilaaliyaha Guud u soo jeedinaysaa inuu ka noqdo eedaha uu ku soo oogay suxufiyiinta.
Guuleed Axmed Jaamac
Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka
Hargeisa Somaliland
Email: dafac02@hotmail.com
Phone: +252 (0)63 4468227