Turkiga: hal askari oo ku dhintay qarax ka dhacay magaalada Gaziantep

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay gaadhi ku qarxay dibedda xarunta booliska ee magaalada Gaziantep ee dalka Turkiga.

Sidoo kale waxa qaraxan ku dhaawacmay ugu yaraan dhowr qof oo ay ku jiraan dad rayid ah.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, balse magaalada Gaziantep oo ku dhow soohdinta Turkiga uu la wadaago Suuriya, ayaa waxa la sheegaa in ay ku sugan yihiin xubno taabacsan ururka isku magacaabay Dawladda Islaamka.

Tan iyo sannadkii lasoo dhaafay, dalka Turkiga ayaa waxa ka dhacay weerarro badan oo ay geysteen jabhadda PKK iyo ururka Dawladda Islaamka.

Dhanka kale, saddex ka mid ah milateriga Turkiga ayaa ku dhintay hawgal ay ka wadeen magaalada Nusaybin ee koonfur bari Turkiga.

bandhige@gmail.com