Wefti xisbiga Waddani waxay soo kormeereen Diiwaan-gelinta gaar ahaan deegaanada Waqooyiga Hargeysa

Wefti uu hoggaaminaayey ku-simaha Guddoomiyaha Waddani ahna Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad Axmed Muumin Seed ayaa waxay maanta kormeereen deegaanada waqooyiga Hargeysa oo ay ka billaabantay diiwaan-gelintu codbixiyaha gobalka Maroodi-jeex, kormeerkan ayaa waxay u kuur-gelayeen habsami u socodka diiwaan-gelinta.

Waxaanay soo kormeereen  degmada Dara-salaam oo dhinaca Waqooyi kaga beegan Hargeysa iyo xaafadda Sheedaha ee Hargeysa.

ku-simaha Guddoomiyaha Waddani ahna Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad Axmed Muumin Seed oo ka hadlay, ayaa si weyn ugu mahad-celiyey shacabka deegaanaddaasi qaabkii diiraneyd ee ay u soo dhaweeyeen weftigii, waxaanu u tilmaamay in ujeedada socdaalkoodu aanu ahayn mid olole ah balse ay u soo kicitimeen sidii ay shacabka deegaanada degmada Dara-salaam ay ugu wacyi-gelin lahaayeen qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Somaliland, isaga oo ku guubaabiyey in ay si weyn uga qeyb-qaataan qaadashada kaadhka diwaan-gelinta codbixiyeyaasha , isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Farxad-weyn ayey noo tahay, sida diiran ee aad noo soo dhaweyseen, waanu ku faraxsan nahay waana aanu idiin ka mahad-celinaynaa, waxa aanu u nimi maaha olole, waa kaliya in aanu kormeerno qaabka ay u socoto diiwaan-gelintu, waxa aanu u nimi in aanu idin ku dhiiri-gelino idinkuna guubaabino qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Somaliland si aad hadhow aad uga qeyb-qaadataan isbedelka uu horseedka idiin ku yahay Waddani, waxa kale oo qaadashada kaadhku ay saamayn xooggan ku yeelan doontaa heli taanka baahiyihiina aas aasiga ah, hadba tirada aad noqotaan ayaa la idin ku qiimeyn doonaa, la idin ku siin doonaa baahiyihiina kala duwan ee waxbarasho, caafimaad iyo weliba qodista ceelal biyoodba.”

bandhige@gmail.com