Turkiga: In ka badan15,000 oo macalimiin ah oo shaqada laga joojiyay

Kadib inqilaabkii dhicisoobay ayaa waxa xukuumadda uu hoggaamiyo Recep Dayib Erdogan ayaa waxa shaqada laga joojiyey in ka badan 15000 oo macalimiin ka ah dugsiyada iyo jaamacadaha.

Wasaarada waxbarashada ee Turkiga, ayaa ku eedeysay in ay xidhiidh la lahaayeen Fathullah Gulen oo saldhigiisu yahay Maraykanka, oo ay dawladda Turkiga ku eedeynayso in uu ka danbeeyay afgambigii milatariga ee guuldaraystay.

Gulen ayaa beeniyay in uu ku lug lahaa. in ka badan 1500 oo gudoomiyayaasha jaamacadaha ayaa sidoo kale guddiga waxbarashada sare ay ku amartay in shaqada laga joojiyo.

Ra’iisal-wasaaraha Turkiga Binali Yildirim ayaa balanqaaday in uu talaabo ka qaadi doono taageerayaasha Gulen. Isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Xididada ayaaan ka jari doonaa si uusan urur argagixiso uusan u qiyaamayn dadkeena mar kale.”

Waxa dalka Turkiga ka socda in ay dawladdu talaabo ka qaado cidii lagu tuhunsanaa in ay xidhiidh la lahaayeen cidii ka dambaysay afgembigii dhicisoobay, kaas oo galaaftay ciidanka badan iyo macalimiinta oo la xidhiidh la lahaa wadaadka Fatxula Gullen.

Sidoo kale waxa waddamo ay Turkiga xidhiidh dhow la leh laga eryey ha’yadda waxbarashada ee Nile Academy, inkasta oo ay dawladda Somaliland ay sheegtay in aanay iyadu eryey ha’yadan oo laga eryey Soomaaliya.

bandhige@gmail.com