Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Kulmiye waxay ka qaybgaleen xaflad loo sameeyey gaadiid u soo kordhay hay’adda Waddooyinka

Madaxweyne-ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici” iyo Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay xaflad loo sameeyey gaadiid cusub oo u soo kordhay hay’adda Waddooyinka Somaliland.

Gaadiidkan oo ka kooban toban baabuurta nooca xamuulka qaada ee loo yaqaan Iska-rogoda oo ay soo iibsatay hay’adda Waddooyinka Somaliland, kuwaas oo Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeyntu u samaysay xaflad gaadiidkaasi lagu wareejinayey Mashruuca dhismaha Waddada Ceerigaabo.

Madaxweyne-ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Cali Xasan “Marreexaan” iyo masuuliyiin kale ayaa khudbado ka jeediyey xafladdaasi, isla markaana ka warramay muhiimada ay leedahay waddada Ceerigaabo iyo guusha laga gaadhay samaynteeda ilaa hadda.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:

bandhige@gmail.com