Turkiga waxa uu albaabada u xidhay warbaahin tiro ah, qaarna wuu damacsan yahay

Dawladda Turkiga ayaa amartay in la xidho xarumo warbaahineed, xiligan oo ay ku gudo jiraan sifeynta dadka iyo kooxaha ka soo horjeeda Recep Dayip Erdogan iyo kooxdii gacanta ka gaysatay inqilaabkii fashilmay 15-kii bishan.

Tiradada warbaahinta albaabada loo xidhayo ayaa soo kordhaysa maalinba maalinta ka dambaysa. Warbaahinta la xidhay ayaa waxay xidhiidh la leeyihiin xoogaga mucaaridka.

Saddex wargeysa oo waa weyn, lix iyo toban teleefishan, shan iyo afartan wargeys, lix iyo toban xarumaha daabacaadda iyo 23 Idaacadood.

Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin laakiinse warbaahinta Turkigu waxay sheegaysaa inkastoo badankoodu yihiin kuwo yaryar oo ka soo baxa gobollada, in la beegsan doono dhawr wakaaladood iyo wargeys oo heer qaran ah.

Waxaa kale oo weli socda shaqo ka dareenintii ka dhex socotay ciidammada qalabka sida, iyadoo goor dambe oo maanta ahna golaha sare ee milatarigu shir iskugu iman doono.

Madaxweyne Erdogan ayaa isna wada hadallo la yeeshay madaxda xisbiyada waa wayn ee mucaaradka, waxaanay uga digeen in uu ku talax tago qabqabashada iyo shaqo ka dareerinta uu wado, inkastoo aanay sheegin in weli ujeedadii laga lahaa tallaabadan la gaadhay iyo in kale.

Halkan hoose ka akhriso liiska warbaahinta la xidhay:

Liiska magacyada warbaahinta uu xidhay

bandhige@gmail.com