Turkigu waxa uu xabsiyada ka sii daynayaa in maxaabiis gaadhaysa 38 000 oo qof

Turkiga ayaa shaaciyey in ay soo daynayaan soddon iyo siddeed kun oo maxaabiis si sharuud leh iyagoon waqtigeedu dhammaan.

Dambiyada qaar ayaa laga reebay oo ay ka mid yihiin dilka, kufsiga iyo argagixisada.

23,000 oo qof ayaa la xidhay tan iyo inqilaabkii July, inkastoo dawladda aysan dhihin in ay doonayso in ay meel ka banayso xabsiga, balse waxay dadka ka faalooda arrimaha Turkiga sheegayaan in ay dawladdu meel u banayso dadka lagu tuhunsan yahay inqilaabkii dhicisoobay.

Wasiirka cadaalada ayaa sheegay in dadka xidhnaa kala badh waqtigooda la soo daynayo.

Dawladda ayaan wali sheegin sababta ay dadkan tirada badan u soo daynayso.

Dowladda ayaa sidoo kale bixisay amar shaqada looga qaadayo in ka badan laba kun oo booliis iyo boqolaalka tirsan ciidamada oo lala xidhiidhinayo inqilaabkii la isku dayay ee dhicisoobay.

Dad u shaqeeya isgaadhsiinta dawladdaayaa sidoo kale shaqada laga caydhiyay.

bandhige@gmail.com