Ururku Tabantaabo waxa uu ka farxiyeen 92 carruur ah munaasibada ciida

Ururka Tabantaabo ayaa maanta deeq lacaga u qaybiyey 92 caruur ah agoona ah munaasibada Ciida awgeed, munaasibada oo ka dhacaday xafiiska ururka Tabantaabo ee magaalada Hargeysa.

Munaasibadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay salaadiin, aqoonyahan, dhalinyaro, Xubnaha gudaha ee Tabantaabo iyo waliba xubno ka mida qurbajooga ururka.

Ugu horayn waxa halkaa mahadnaq uga jeediyay xubnahan ka socday qurbajooga ee ku soo deeqay lacagta ciida oo ay ugu horeeyaaan haweenka ururka tabantaabo ee qurbaha iyo xubno kale, gudoomiyaha ururka Xasan Koosaar Muxumed ayaa sheegay in marwalba qurbajoogu garab taagan yihiin ururka isla markaasna kaalin muhiima ka qaataan horumarka haday noqoto dhan kastaba.

Sidoo kale waxaa iyaguna halkaas ka hadlay xubno kamida qurbajoogta oo ay ka mid ahayen Cawil Afsarkaale iyo Marwo Khadra Cumar Qardhaas oo kaalin weyn  ka geystay hawshan,waxaa iyaguna halkaa munaasibadaas ka hadlay Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey,Suldaan Maxamed Sul Xasan Barre, iyo Xaaji Cali Feyr oo dhamaantood u mahadnaqay qurbajoogta.

Maaha markii ugu horaysay ee ururku deeq noocan oo kale ah uu qaybiyo balse waxaa jirta in weekii ina soo dhaafay ururku deeq lacaga u qaybiyay caruur  Agoomaa oo ku nool magaalada Hargeysa, deeqdan oo uruku qaybiyo sanadkaste kaalin wayna ay ka gaystaan mawo Khadra Cumar Qardhaas iyo Sheekh Maxamed Waris oo ku nool dalka qadar.

bandhige@hotmail.com