Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa:
โNin aad hadlin hooyadii qadisay.
Waxaan uga socdaa muddadaa 25ka sanno ah, wax cabasho ah oo la xidhiidha arrinta kor ku xusan la sheegi maayo. Balse maanta, waxaanu halkan ku caddeynaynaa xaqa iyo xuquuqda naga maqan oo ah mid aanu ka seexanay. Maantase hurdaddi waanu ka toosnay oo waxaanu doonaynaa, waxa ay labada gole ku leeyihiin Beelaha aanu u siman nahay Kursiga.
Waxaanu la aamusnay oo aanu u hadli weynay, walaalihiin ayaa idiin hadli, oo odhan labada Curad ma gayaan xubnaha loo qoondeeyey ee labada gole, balse, taasi may dhicin oo beel waliba markay ku qanacday intii loo qoondeeyey ayey furaashka fidsatay, waalidkiina cidlo kaga tageen oo aysan sannadahaas badan waxba iska weydiin.
Haddaba markaan u soo noqdo xaqiiqada ka jirta Saami Qaybsiga labada gole, ma xaqbaa mise waa xaq darro in beeline labada gole ka helaan 19 [sagaal iyo toban] xubnood iyo wax ka sii badan, beeline ay labada gole ka helaan 4 [afar]xubnood oo kaliya, Curradnimo ama waalidnimo ama sinaan ay siman yihiin, xaq iyo garsoortoona looma eegin โฆโฆ iwm.
Waxaase jira suโaal taagan oo aan waxba layska weydiin, habeen iyo maalinna ay guc la orodku kabihiina kaga dhammaadeen, oo ah halka sartu ka qudhuntay ee Aqoonsi Laโaanta dalkan, maxaa innaga hortaagan aqoonsiga aynu gudo iyo debbadba dagaalka ugu jirnoโฆ. iwm.
Doqonay dabkaa baโ, waxa kaa hortaagan ama kuu diiday in lagu aqoonsado, waxna iskamaad weydiin hoosna u maydaan eegin walaalahayow, intaas halkaas ayaan kaga baxayaa.
Markaan u soo noqdo nuxurka saami qaybsiga, ma xaqbaa inay tirada ay ku soo baxayso xubintaadu in ay xubintayduna ku soo baxdo, laba isma qabato waad tiro yar tahay iyo xubintaydu tirada ay kursiga ku helayso adiguna ku hel, waa laba aan is qaban ee wax ha layska weydiiyo. Waa layga tiro badan yahay oo ma diidani, balse xaqsoor iyo caddaalad ayey arrintani u baahan tahay ee tira yaraanta ha laygu siiyo tirada aan kursiga ku helayo. Midda kale waan saluugsan ahay tirada xubnaha ee wakhtigan xaadirka ah.
Waxaan doorkan doonayaa ugu yaraan labada gole inaan ku lahaado lix[6] ilaa sideed[8] xubnnod oo aan raali ku ahay. Hana layga Qanciyo sababta labada gole aan uga helay afarta xubnood iyo waad tiro yar tahay ee Xubintaydu tirada cod ee ay ku helayso KURSIGA, adna ku hel โฆ.. iwm. ?
Waxxan baaq iyo fariin adag u dirayaa Saddexda Xisbi Qaran iyo Xukuumadda oo si wada jira ay uga goโdo talada Saami Qaybsigu. Waana talo waayeel oo si dhab ah loogu guulaysan doono hayaanka loogu jiro AQoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.
Waa Mahadsan Tihiin, Koreeye Illaahayna (SWT) ha idiin fududeeyo halkanka aad ugu jirtaan horumarka iyo aqoonsiga u helida dalkan iyo dadkiisaba.
Wa Billaahii Tawfiiq
Allaaย ย Mahadย Leh.
Muxamed Jaamac Liibaan
Xoghayaha Beesha Toljecle (Toljire)