Turkiga oo gargaar u mariyay Qasa Israa’iil

Dawladda Turkiga iyo Israa’iil oo dhowaan dib u soo celiyey xidhiidhkoodii ayaa waxay dawladda gargaar u sii dhex marinaysaa Qasa mucaawin oo ay ugu talo gashay dadweynaaha.

Markabkii ugu hore ee mucaawinadaa sida ayaa waxa uu gaadhay dekedda Asdod ee Israa’iil kaasi oo sida mucaawino gaadhaysa 11,000 oo tan.

Waa markii ugu horaysay ee markab noocan oo kale uu imaado tan iyo 2010, markii 10 Turkiyiin u ololeeya Falastiiniyiinta lagu dilay iska horimaad ciidamada Israa’iil.

Maraakiibta ayaa rabay in ay ka gudbaan xayiraada Isra’iiil ay ku soo rogtay magaalada Qasa.

Arrinta ayaa sababtay in uu xumaado xiriirka Israa’iil iyo Turkiga, laakiin waxay saxiixeen heshiis ay ku soo celinayaan xidhiidhkooda toddobaadkii hore.

Markabka Lady Leyla ayaa siday cunto, dhar iyo alaabada ciyaalka ay ku ciyaaraan oo loogu tala galay in uu Qasa yimaado intaan la gaadhiin Ciida ee Ramadaan.

bandhige@gmail.com