Guddoomiye-ku-xigeenkii saddexaad ee xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf “Cali-gurey”, ayaa si farshaxannimo leh bulshada ugu macneeyey booqashooyinka kamaradaha iyo buuq-baahiyayaasha kale maragga loo dhigo ee uu guddoomiyaha xisbiga Waddani Cirro ugu tago dadyowga xanuunnada u jiifa iyo waliba kuwa baahan.
Cali-gurey oo qoraal uu arrintan bulshada ugu macnaynayo soo dhigay bartiisa uu ku leeyahay Facebook-ga, ayaa su’aal geliyey sababta uu Guddoomiye Cirro muhiimad gaar ah u siiyo in uu sawir-qaadayaal u kaxaysto cidkasta oo uu booqanayo ama sadaqo kasta oo uu bixinayo, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Booqashadu waa waajib oo gartay hadii ay lilaahi tahay lakiin ma qasab baa in aad igu sawira tidhaa? Hadii uu booqdo oon lagu sawirin maxaa dhacaya? Mise wuxu u booqanayaaba in lagu sawiro? Heey! dee taasi sax maaha ilaahay baa jira eh. Waxa ka daran sadaqo aad bixinayso oo dad baahan oo masaakiin ah siinayso adiga oo doonaya in lagu ogaado oo warbaahintu lagaa arko. Taasina anigu waxan qabaa waxa ka khayr badan in ilaahayuuni ku ogaado isaga ayaa muraadkaaga san kaga heli kartaaye.”
Cali-gurey oo sii wata hadalkiisa, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in uu Guddoomiye Cirro sadaqooyinka uu dadka siinayo markhaatiyaal u samaysto, isla-markaana uu sawirradeeda baraha bulshada ku baahiyo, isagoo waliba kharashaad isticmaalaya, waxana uu yidhi:
“Sadaqada laga soo qaado shakhsiyaad inta badan carab ah xisaab celin waxa u ah in cidii ay u soo dhiibtay Vedio ugu duubto marka ay qaybinayaan ama ha la kala xado ama kuligeedba sidii loogu talogalay ha loo wada bixiyo eh waa in wax uun loo geeyaa. Marka ay dawladdu ama haya’adi bixinayso lafteeda waa la aqbali karaa oo waxtar bay muujinaysaa. Lakiin marka ay sadaqo qof bixinayo tahay waa laga wanaagsan yahay. Wax kasta ood qabanayso waxa fiican in aad hor ilaahay u qabato sadaqaduna waa sidaa waxa fiican in aad hor Alleh u bixisid isaga ayuu kaa abaal marin eh oo ugu fiican cid wax abaal marisa eh. Maanta halkay marayso waa in lagugu faaniyo adiguna ku faantid. INAMAL ACMAALU BI NIYA WA LI KULI IMRI’IN MAA NAWAA”
Xigasho Barta Face book Cali-Guray: