Waxa maanta Hargeysa lagu soo dhoweeye wakiilkii hore ee Arrimaha xajka Somaliland Amb Axmed Aadan Dagaal โAxmed Safiina.โ
Soo dhoweynta masuulkan aya waxa ka qayb qaatay masuuliyiin iskugu jira madax-dhaqamee, xildhibaano, aqoonyahan iyo dhallinyaro.
Ugu horeen waxaa halkaasi hadallo soo dhoweyn ka yidhiย Suldaan Axmed Cismaan Cadde-gude, Suldaan Aadan Xasan Waraabe , Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray waxaanay dhammaantood si isku mid ah isaga daba mareen waxqabadkii uu muujiyay intii uu xilka hayay iyo kaalinta uu kaga jiro qaranka ย Amb Axmed Safiinta , iyagoo ku sifeeyay in uu yahay masuul karti badan oo wax qabad la taaban karo ka tagay .
Xildhibaan Siciid Maxamed Libaax oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in aan mucaarad iyo muxaafadย aan loo kala hadhin soo dhoweynta ย Amb Axmed Safiina .
Ugu dambeyntii waxa halkaasi ka hadlay Wakiilkii Hore ee Arrimaha Xajka Somaliland waxaanu tacsi u diray Eheladii uu ka baxay Marxuum Dr Cabdi Aw Daahir .
Sidoo kale Wuxuu u mahad naqay dhammaan masuuliyiintii sida diiran ugu soo dhoweeyay Dalka .
Amb Axmed Safiina oo si watta hadalkiisa ayaa ka warramay ย muhiimadda ay leedahay in danta qaranka loo midoobay oo la is kaashado , isagoo ku booriyay bulshada reer Somaliland in ay ka shaqeeyaan horumarka kana dheeraadaan qabyaaladda .
Amb Safiina ayaa mar uu ka hadlayay Isbahaysiga Kulmiye ee uu ka midka yahay ayaa waxa uu sheegay in bulshadu ay si wayn u dhawrayso halka aanu geeddiga u rarayaan , balse waxa ย uu sheegay in uu afka Isbahaysiyga kuย hadli doona ย Axmed Xuseen Caydiid marka meel degaan iyo hawlahooda.