Walaalo ka danbeeyay qaraxa Brussels

Dacwad oogayaasha Biljimka ayaa waxay xaqiijiyeen laba nin oo walaalo oo ka mid ahaa saddexdii qof ee isku qarxiyey gagada diyaaraha iyo xaruntii tareenka laga raaci jiray ee Brussels.

Waxay sheegeen in nin ka mid ah saddexdaas oo aan weerarka ku dhiman wali la raadinayo. Waxay nimanka u dhasheen Biljimka.

Warbaahinta, RTBF ayaa sheegtay, in boliiska uu xaqiijiyay in Brahim El Bakraoui uu ahaa qofka isku qarxiyay gagida diyaaradaha, walaalkiis Khalid ayaa isku qarxiyay saldhiga tareenka ee Maelbeek.

Boliiska ayaa horay u yaqaanay nimanka Raadinta nin saddexaad ayaa socota oo warbaahinta ay ku magacawday Najim Laachraoi. Laachraoui ayaa loo raadinayay qaraxii Paris ee November.

Soddon iyo afar qof ayaa ku dhintay in ka badan laba boqol ayaa ku dhaawacmeen weerarka.

Kooxda IS ayaa sheegatay inay ka danbaysay weerarka. Dalka Belgium calanka ayaa hoos loo dhigay iyadoo waddanka uu ku dhawaaqay saddex maalin oo tacsi ah.

bandhige@gmail.com