Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha UCID oo Burco si weyn loogu soo dhoweeyey

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo wafti balaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeayay Magaalada Burco Ee Gobolka Togdheer .

Soo Dhaweenta Guddoomiyaha oo si wayn looga Dareemay Magaalada Burco ayaa ahayd mid aanay Bulshada Reer Burco u kala hadhin, waxaana hor kacayay Badhasaabka Gobolka Maxamed Ibraahim Qabo , iyadoo ahayd mid ay iskood isku abaabuleen Bulshadu oo aan ku jirin qorshaha Waftiga Gudoomiye Faysal Hor kacayo .

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ee Gobolka Togdheer Aadan ayaa weedho soo dhaween ah ku soo dhaweeyay Gudoomiye Faysal iyo Waftiga uu hogaaminayo .

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo Burco ugu warramay Warbaahinta ayaa sheegay in aad ugu mahad naqayaan bulshada Burco isagoo faahfaahin ka bixiyay ujeeddada socdaalkooda Burco ayaa waxa uu yidh:

“Waxaanu u nimid waxaa weeyaan , waxaan ku leenahay xaflad aanu qaabili doono dad xisbiga soo galayaan , iyo murashaxiin tartamaya Doorashooyinka Golaha wakiilada..”

Guddoomiyahaa ayaa waxaa intaasi ku daray:

Intan kale ee lagu daray ee soo dhaweenta kumaanu talo galin , waa ku mahadsantihiin , annagu waanu soo dhameesannay soo dhaweenta iyo is dabayaacaas uma xiisoono moogtahay , markaa idinkaa is xilqaamay , lacagna soomaanaan dirin , xafladaasunbaanu u nimid , aadna waanu idiinku mahad naqaynaa Shacabka Burco , Anigu waxaan idhaahdaaba Burco waa Xareedda Somaliland .”

Sidoo kale Guddoomiye Faysal ayaa ku dheeraaday abaaraha ba’an ee ku habsaday Bulshada reer Somaliland isagoo bulshada ugu baaqay in rabbi loo noqdo oo la waydiisto raxmadiisa .

Si kastaba ha ahaate Socdaalka uu Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ku yimid Gobolka Togdheer ayaa qeyb ka ah dar-dar-galinta hawlaha Xisbiga maadaama ay Xisbiga ku soo wajjahan yihiin Doorashooyin waawayn oo kala ah Madaxtooyadda iyo Golaha Wakiilada.

Halkan hoose ka daawo muqaalka warkan:

bandhige@gmail.com