War-saxaafadeed: Wasaaradda Gaashaandhigu waxay bayaan ka soo saartay safarka Cabdiweli Gaas ee Badhan

Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland

REF: WGDH/XAF/11/18                                                                            Taariikh:- 24/09/2018

 

WARSAXAFADEED

Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland waxay digniin adag u diraysaa cid kasta oo ku soo xad gudubta xuduudaheeda, iyo cid kasta oo nabada ay Somaliland in ka badan Rubuc qarni Sanno ay ku soo naaloonaysay carqaladaysa.

Puntland waxay caado ka dhigatay daan-daansiga Somaliland iyo abuurida amni darada mandaqada taasi oo ay dabada ka riixayso xukuumada Somalia ee uu maamulo Farmaajo oo ku gabanaysa maamulka Puntland.

Somaliland marnaba ma danaynayso dagaal,dhiig iyo barakac ay horseed u noqoto balse aqbali mayso in joogto laga dhigto xad-gudubka xuduudaha Somaliland, Deegaanka Gobolka Badhan ee Sanaag waa deegaan ka horumaray caqliyada qoriga ee uu Cabdiweli caligaas rabo inuu ka bilaabo fad-qalalo aan dhamaan.

Xukuumada Somaliland wax ka go’an dhawrida iyo ilaalinta shacabkeeda balse ma aq-balayso cid kasta oo nabad galayo darro abuuraysa, Gaashaanle Gamaal Ducaale Baaxad oo hore u ahaa Abaanduulihii ciidanka ee Gobolka Sanaag oo hore ciidanka uga goostay waxay ciidanka qaranku ka soo qabteen gaadhi Ambulance ahaa, ka xukuumad ahaana waxa naga go’an soo af-jarida xaaladaasi.