Telefishanka Caalamiga ah ee Aljazeera ayaa warbixin dheer oo murugo leh ka diyaariyey xasuuqii xukuumaddii milatariga ahayd ee Siyaad Barre ay ku beegsatay dadka reer Somaliland sannadihii 1980-maadkii. Tiro lagu qiyaasay 50,000 ayaa ku dhintay duqayn, xasuuq iyo toorjar.
Khuburo caalami ah oo sannado kala duwan soo booqday Hargeysa iyo Gabiley ayaa soo faqay xabaal-wadareedyo inta dadka rakab rakab la isugu xidhay kadibna buldhoosar inta la isticmaalay ciidda lagu wada rogay iyagoo dharkoodii xidhan.
Dhawaan ayaa Madaxweyne-Xigeenkii Soomaaliya Maxamed Cali Samatar ay maxkamad Maraykanka ku taallaa ku heshay dambi ah xasuuq. Haatana waxa dunidu ku daba jirtaa Kornayl Yuusuf Tuke oo loo haysto in uu xasuuq xun ka gaystay deegaanka Gabiley.
Hoos ka daawo warbixinta Aljazeera oo dhammaystiran.