Warbixin Kooban: Doorashada Ingiriiska

Warbixin Kooban:  Doorashada Ingiriiska.

Waxa xalay 10:00kii habenimo 12 December 2019 soo idlaaday codayntii doorashada laga soo horumariyay waqtigeedi oo ay ku tartamayeen xisbiyada UK oo ay ugu cadcadyihiin labbada xisbi ee waaweyn Conservative oo uu hogaamiyo raysalwasaaraha xilka haya ee Boris Johnson oo ah 55jir, iyo musharaxa loolanka adag ka dhexeeyo Jeremy Carboyn oo ah 70jir gadhwadeen u ah Xisbiga weyn ee Shaqaalaha(Labour party), waxa kale oo jira xisbiyo yaryar sida Schotish national party iyo Liberal Democratic party.

Waxa xusid mudan walow ay jiraan in qodobo badan lagu kala aragti duwan yahay sida , in ta ugu muhiimsan tahay In Ingiriisku ka baxo Midawga yurub iyo in uu ku sii jiro-Brexit”. Boris Johnson oo ah Raysal wasaaraha kana soo jeeda Conservative party ayaa aragtidiisa siyaasadeed iyo qorshaha ololahiisu tahay in hadii la doorto uu si degdeg ah uga saari doono Ingiriiska midawga Yurub-EU oo ingiriisku yahay kun ugu tunka weyn ee dhaqaale kubixiya isaga oo bixiya ku dhawaad 15% miisaaniyada sanadlaha ee kubaxda. Halka Jeremy Corbyn oo ah Labour party-gu uu aaminsanyahay kuna ololaynayo in afti dib looga qaado dadweynaha oo lagu saleeyo natiijada go’aan ka gaadhista in laga baxo iyo in lagu jiro midkooda ay u codeeyaan oo lagu celiyo aftidii hore looga qaaday dadweynaha sanadkii 2016 oo sababtay jahwareerka siyaasadeed ee ilaa haatan la isku maan-dhaafsanyahay.

Hadaba waxa xalay qayb ahaan soo idlaatay codayntii oo ay hore isku diwaan-galiyeen 45milyan oo qof. Waxa lagu dhawaaqay natiijada hordhac ah in Xisbiga Consertative ka ah ee uu gadhwadeenka u yahay raysal wasaare Boris Johnson ku guulaystay 368 Kursi, Halka Jeremy Carboyn xisbigiisa Labour party helay 191 Kursi oo ka dhigan in Conservative party-gu ku horeeyo 86 kursi.

Taas ayaa noqonaysa in siyaasada Kabixitaanka midawga Yurub ay dhaqangeli doonto oo uu qorsheeyay raysalwasaare Boris hawshaa Bisha January dabayaaqadeeda.

 

Xigasho: Aljazeera.

Yahye Xanas.