Wasaaradda Ciyaaraha oo ka hadashay wakhtiga uu bilaabmayo wareega labaad, kana jawaabay cabashada xulka Gobolka Maroodi-jeex

Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska ayaa markii u horaysay ka hadashay cabashadii xoogan oo ka soo yeedhay xulka Gobalka Maroodi-jeex kaasi oo ay sheegeen in sifo qeyrul sharci ah lagaga reebay tartanka wareega labaad ee ciyaarraha goballada dalka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Maxamed Xuseen Dhabeeye, ayaa sheegay in cabashada ka soo yeedhay xulka kubbada cagta Gobolka maroodi-jeex ay haatan hortaalo xidhiidhka kubadda cagta ee Somaliland iyo Guddiga anshaxa, isla markaana aan loo baahnayn in ay kooxdu dhaliisho Wasaarada Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska.

Sidoo kale waxa uu Agaasimuhu ka hadlay xilliga uu bilaabmayo wareega labaad tartanka ciyaarraha gobollada oo dhowaan laga bilaabayo Hargeysa, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Runtii marka hore ujeedaddu waxa weeye in ay dadku si fiican ay u fahnaan una ogaadaan, waxyaalaha ay kooxdu ku hadhayso sharcigana waanu u gudbinay oo way u cadayd, cid walibana way ka war haysaa wixii ay tabanayaana waxa fiican in ay sharciga usoo maraan. Waxa jirta in Tababare kasta iyo koox kasta oo rigoodhe lagu dhigana marka hore ay diidaan oo ay ka doodaan, laakiin way aqbalaan in la laado rigoodhaha, taasi oo ah bakhtiyaa nasiib oo waa laga qaban karaa, waana la dul marin karaa, sababtoo ah ciyaartii baa wakhti kuu hadhsan yahay oo aad dhammaysanaysaa, sidaa awgeed markaad dariiqaa marto ayaad dacwoon kartaa.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Laakiin waxa weeye Inanka marka rigoodhe loo qaban waayo, ama gool uu is leeyahay waa qalad lagu dhaliyo ama casaan la siiyo isagu markiiba feedh iyo dhagax kaga jawaabaya ama kooxda odhanaysa ciyaarta sii wadan mayno, kooxdaasi sharciga ay ku doodayso iyadaa keeni doonta halka uu yaalo, Waxa jirta Guddi anshaxeed iyo mid dacwadeed oo loo dacwoodo,runtii aniguna wakhtigan arintaa faahfaahinteeda ma hayo, Ciyaartoydu waxay sheegeen in ay Wasaarada u dacwoondeen,una gudbiyeen dacwadii, markaa dacwada ay wasaaradda u soo gudbiyeen iyo in ay mid sax ah tahay iyo nidaamkeeda iyo waxaanu ka odhan doono maan sheegin, hase ahaatee ka Wasaarad ahaan arrintaa waanu iska arkaynaa oo go’aan baanu ka soo saaraynaa, laakiin waxaan ka hadlayaa arrin guud oo u baahan in ay dadka oo dhami fahmaan.”

Ugu dambeyntiina waxa uu Agaasimaha guud ka hadlay wakhtiga rasmiga ah ee uu bilaabmi doono wareega labbaad ee tartanka Gobolada ee Hargeisa ka furmi doona waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya:

“Hadii ilaahay yidhaahdo si dhakhso ah ayuu u bilaabmayaa, oo wakhtigan gacanta ayaa lagu hayaa qaban qaabadiisa, markaa waxa jira arrimo yar yar oo khaladaad farsamo ah, oo lagu hagaajin doono muddo aan ka badnayn saddex cisho, intaa wixii ka dambeeyana waxaanu sheegi doonaa wakhtiga ay dhacayaan ciyaarahaasi.”

bandhige@gmail.com