Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan Reebista oo dadweynaha Hargeysa ugu baaqay in ay ilaaliyaan nabad-gelyada in ay ciyaarraha Gobolladu socdaan

Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan Reebista ayaa bulshada reer Somaliland ugu baaqay in ay ilaaliyaan oo meel looga soo wadda jeesto ilaalinta amniga caasimada Hargeysa, soona dhaweeyaan 8-dii Gobol ee isugu soo hadhay tartankii ciyaarraha gobollada, taasi oo uu dhawaan tartankii kama dambeysta ahaa uu uga furmi doono Hargeysa.

Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan Reebista oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayey baaq u direen bulshada Somaliland, waxaanay sheegeen in loo baahan yahay in nabad-gelyada meel looga soo wadda jeesto, inta uu socdo tartanka ciyaarraha gobollada ee dhawaanta laga bilaabi doono Hargeysa iyo guud ahaanba nabad-gelyada waddanka, kuna baraarugsanaano dhaqanka suubeen ee diinta islaamka, maadaama oo ay bulshadeenu tahay dad muslin ah 100%.

Waxaana ugu horeyn shirkaasi jaraa’id ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan Reebista Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, waxaanu yidhi:

“Waxa dhawaan Hargeysa laga bilaabi doonaa jawigii labbaad ee ciyaarraha gobollada, markaa waxaan bulshada reer Somaliland ka codsanaynaa in aynu dhawrno anshaxa iyo dhaqanka suuban, markaa waxa qurux badan in qaabka ugu wanaagsan loo ciyaaro, sida ay qolooyinka ciyaaraha daawataa yidhaahdaan oo kale. oo hala isku barto, oo hala isku dhexgalo, markaa waxaan ka codsanayaa in ay taageerayaashu anshaxa ilaaliyaan, amniga iyo anshaxa wanaagsana meel looga soo wadda jeesto.”

Guddoomiyuhu waxaa uu intaasi ku daray:

“Runtii maanta oo jimce ah, waa in laga hadlaa dhibaatada ay leedahay qaybsanaantu, bulshadana lagu wacyigaliyaa muhiimada uu leedahay amniga iyo nabad-gelyadu,markaa culimada waxaan leeyahay waar dadka salaada jimcaha soo tukanaya ku baraarujiya waxyaalaha waaqiciga ah ee dalkeena ka dhacaya, la socodsiiya oo u sheega.’’

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay gudoomiye-xigeenka guddida wanaag furista iyo xumaan reebista Sheekh Cawil Xuseen Cali oo isaguna halkaasi mahadnaq uga jeediyey Taliyaha ciidanka Booliska, waxaanu yidhi.

“Waxa jirtay ayaamahan dambe in Jananka ciidanka boolisku soo jeediyey in baabuurta laga gooyo bacda beersoosha la yidhaahdo ee muraayada lagu dhajiyo, waxaanu aad iyo aad u taageersan nahay amarkaa uu taliyuhu soo jeediyey ee bacaha lagaga jarjarayo baabuurta.”

Ugu dambeyntii waxa isaguna halkaasi ka hadlay af-hayeenka Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan Reebista Sheekh Axmed Muumin Cali waxaanu halkaasi ka sheegay in baryahan dambe ay Hargeysa ku soo badanayaan, waxyaabaha fasahaadka keena ee mukhaadaraadka, hase ahaatee ay ciidamada boolisku ay si wayn uga hawl galaan, oo ay talaabooyinkii ku haboonaa ay ka qaadaan ciidanka boolisku, waxaanu sheekhu bulshada Somaliland uga digay wax kasta oo diinteena islaamka iyo dhaqanka suuban ka hor imanaaya.

bandhige@gmail.com