Salmaan samir badnaayee Qaybtii 3 aad (W.Q: Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”)

Qaybtii saddexaad ee sheekadii Salmaan al Faarisii

Xigasho:Musnad Imaamu Axmed

Darajada Xadiiska: Xasan

Dheegasho: Saxiix al Musnad ee uu qoray Sh Muqbil al Waadicii

Wadaadkii dhimay, aniguna muddo ayaan sii deggenaa Camuuriya. Ugu danbeyn, waxa magaaladii yimi socoto reer Kalbi ka soo jeeda oo Carab ah. Intaas ka dib ayaan ku idhi, “Ma i geynaysaan dhulkii Carabta aniguna waxaan idin siinayaa lo’dan iyo adhigan.” Kolkaas waxay iigu warceliyeen, “Haa.” Waan siiyay way na i kaxeeyeen illaa ay i keeneen togga Qura loo yaqaanno.

Way i dulmiyeen! Way i iibiyeen! Nin Yuhuuddi ah ayay iga iibiyeen si aan addoon ugu noqdo! Anigoo la jooga isaga ayaa waxa maalin u yimi nin ay ilma-adeer ahaayeen oo reer Banii Qurayda ah. Isagii ayuu iga iibiyay. Xaggaas iyo magaalada ayuu i geeyay. Wallaahi ayaan ku dhaartaye waa geyigii uu ii tilmaamay wadaadkii. Muddo ayaan la joogay. Eebbe waxa uu soo diray Nebigiisii SCW oo Maka ku sugnaa intii uu Alle qaddaray.

War kama maqal arrintiisa waayo waxaan ku moogganaa shaqooyinkaygii maalinlaha ahaa ee aan u qaban jiray sayidkayga. Eebbe ayaan ku dhaartaye waxaan dusha sare ka saarnaa geed timir ah isagoo sayidkaygina i hoos fadhiya, markii uu nin ay ilmo-adeer ahaayeen u yimi ee ku yidhi, “Alle ha naclado banii Qayla. Quba ayay isugu yimaaddeen si ay ugu dheg raaricinayaan una soo dhaweyaan nin ka yimid Maka oo sheeganaya inuu Nebi yahay.” Intaas kolkaan maqlay ayaan is hayn kari waayay.

Geedkii ayaan degdeg uga soo dhaadhacay; waabaan soo dhici gaadhay oo marbaan xitaa ku soo dul dhici gaadhay sayidkaygii. Kadib ninkii ayaan halhaleel ugu idhi, “Maxaad tidhi! Maxaad tidhi!” Waxa aad u cadhooday sayidkaygii waxaanu igu dhuftay feedh aad u daran oon la wareeray. “Maxaa kaa galay wuxuu yidhi. Shaqadaada qabso,” ayuu igu yidhi. Waxoogaa ayaan shaqeeyay oo urursaday. Goor galab ah ayaan baxay si aan Nebiga SCW Quba ugu tago. Kolkii aan u imid ayaan ku idhi, “Waxa isoo gaadhay inaad tahay nin wanaagsan rag marti ah oo baahanina ay kula socdaan. Waxoogaaganna(raashin) aan sito na waxaan ugu talo galay sadaqo. Waxaan ku qancay inaad tihiin kuwan ugu mudan ee ay ku baxayso sadaqadani. Waan ku soo dhaweeyay. Nebigu SCW intuu iska durkiyay ayuu saxaabadiisii ku yidhi, “Cuna.”

Intaan isla hadlay ayaan naftayda ku idhi, “Tani waa kow.” (Hore waatii sheekhu ugu sheegay inaanu sadaqada cunayn) Waan noqday. Waxoogaa kale ayaan soo ururiyay waxaanan u imid Nebigii SCW. Kolkan danbe Nebigu SCW wuxuu Nebigu u soo guuray Madiina. Kadibna waxaan ku idhi, “ Waxaan arkay inaanad sadaqada cunayn. Tani waa hadyad aan kugu sharfay.” Nebigu SCW wuu cunay, saxaabadiina way la cuneen. “Tanina waa tii labaad,” ayaan isku idhi. Waan iska baxay, maalin kale ayaan soo noqday Nebiga SCW oo jooga xabaalaha Qarqad. Waxa uu raacay jinaasaddii mid ka mid ah saxaabadiisii. Laba maro ayuu xidhan yahay; mid wuu guntanyahay, ta kalena wuu huwan yahay.

Waan salaamay. Kolkaan salaantii dhammeeyay, geesta danbe ayaan uga wareegay bal si aan u arko shaanbaddii nebinnimada ee uu wadaadkii ii sheegay. Intaas ka dib, Nebigu SCW wuxuu gartay inaan baadhayo shay hore laygu soo sifeeyay. Nebigu SCW wuxuu ka qaaday go’ii. Waxaan eegay shaanbaddii mise waa sidii la igu sifeeyay ba! Nebiga SCW ayaan ku degay, aniga oo dhunkanaya oo ooyaya. Xagga hore ayuu ii soo wareejiyay Nebigu SCW. Markaas ayaan sheekadii uga sheekeeyay Ibnu Cabbaasaw sidaan adigaba kuugu sheegay!”

Dhammaad

Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”

DALXAAUTHOR@GMAIL.COM

063-4839797

RAAD-RAAC

Xadiiskani wuxuu ku jiraa dhammaan ilahan soo socda:

Imaamu Axmed – Musnadkiisa

Ibnul Jawsii – al Xadaa’iq

Dahabi – Siyar Aclaam Annubalaa

Ibnu Sacad – Dabaqaat

Basaar – Musnadkiisa

Daxaawi – Sharxi Mushil al Aasaar

Ibnu Xibbaan – Siqaat

Dabaraani – Mucjam al Kabiir

Abu Nucayn – Akhbaaru Asbihaan

Beyhaqi – Sunankiisa iyo Dalaa’ilka labadaba wuu ku soo saaray

Khadiib – Taariikhi Baqdaad

GUNAANAD

Sheekadu way sugan tahay sida ay sheegeen ruug-caddayadii xadiisku waxaanay soo tebinaysaa samirka iyo dulqaadka midhihiisa. Soomaalidu waatii hore u tidhi, “Samraa sedkii hela.” Dhabnimada maahmaahdaas iyo casharro la xidhiidha ayay sheekadu gudbinaysaa.

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa” oo Somali iyo Ingiriisi iskugu jira:

Salmaan samir badnaayee Qaybtii 2 aad

Salmaan samir badnaayee Qaybtii 1 aad

Ciidda Odxiyada iyo camalka la rabo

Toban lagu tabco

Why not learn English- 7th Article

Why not learn English- 6th Article

Gunaanadkii Muuse Biixi, gooddigii wadaaddada iyo gorfayntii Guuleed

Why not learn English? (Gulaid Mohammed Yassin “Dalha”)

Why not learn English- 5th Article (By: Gulaid Mohammed Yassin “Dalha”)

Why not learn English? (Gulaid Mohammed Yassin “Dalha”)