Wasiir-Xigeenka Arrimaha Dibadda ayaa casho-sharaf ku qaabilay Safiir-Xigeenka  Jarmalka u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JSL, Mudane Axmed Aaden Ismaaciil (Axmed-kayse) oo ay weheliyaan saraakiil ka mid ah agaasimayaasha waaxaha, qaarka mid ah diblomaasiyiinta Somaliland ee wadamada dibadda iyo masuuliyiin kale ayaa kulan casho sharaf  soo dhawayn ku qaabilay Danjiraha dalka Jarmalka u qaabilsan Somalia iyo Somaliland oo fadhigiisu yahay Nairobi, Danjire Christian Resch Hudhueelka Ambassador  ee magaalada Hargeysa habeenimadii Arbacada 12-ka August, 2015.

Danjire Resch oo booqasho dhawr maalmood ah ku joogay Somaliland, isla markaana soo kormeeray habsami u socodka mashaariic kala duwan oo ka mid ah deeqaha gargaarka horumarineed ee dawladda Jarmalku ka caawiso Somaliland.

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda, Mudane Axmed Kayse ayaa uga mahadceliyay Safiirka iyo dawladda Jarmalka mashaariicda waxtarka leh ee dawladda Jarmalku ka taageerto Somaliland dhinacyo kala duwan oo xagga biyaha, caafimaadka iyo dhinacyo kaleba leh, waxanu dhirrigeliyay in caawimada Jarmalku u fidiyo Somaliland lagu fidin doono dhinacyada kale ee iyaguna mudnaanta u leh u leh Somaliland oo horumarinta dhaqaale iyo  maalgashigu ka midyahay.

Safiirka Jarmalka ayaa isaguna dhinaciisa uga mahadceliyay Wasiir-ku-xigeenka Arrimaah Dibadda iyo xukuumadda Somaliland guud ahaan sida saaxiibtinimada iyo karaamada leh ee loogu soo dhaweeyay dalka, waxanu rajeeyay inaanay noqon safarkii ugu dambeeyay ee uu ku yimaado dalka.

Il-wareed: Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah

Hargeisa