Shirkadda isgaadhsiinta Telesom oo ku dhawaaqday dayactirka Hargeysa Istaadiyam

Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom ayaa shaacisay in dib-u-habayn iyo dayactir ku samayn doonto garoonka kubadda cagta Hargeysa Istaadiyam.

Munaasibada ku dhawaaqista dib-u-habaynta ayaa lagu qabtay garoonka Hargeysa Istaadiyam ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiis Axmed Cabdi Kaahin, Agaasimaha Guud Maxamed Xuseen Dhabeeye, madaxa Xidhiidhka Dadweynaha Shirkada Telesom Maxamed Xuseen Darbo iyo masuuliyiin kale oo ka socday Shirkada isgaadhsiinta Telesom.

Munaasibadan waxa ugu horey hadalo kooban ka soo jeediyey madaxa Xidhiidhka Dadweynaha Shirkada Telesom Maxamed Xussen Darbo waxaanu yidhi:

Hawshan dayactirka ee aanu garoonka ku samayn doono ee aanu maanta shaacinaynaa waa hawl waxtar balaadhan u leh dalka. Runtii shirkada Telesom waa shirkad ay bulshadu wada leedahay, islamarkaana waxa uu xil weyni naga saaran yahay dhallinyaradda oo aanu mar walba la barbar taaganahay in aanu wax uga qabano meelaha ugu mihiimsan sida garoomadda oo kale, taalabadan waxaanu uga gol-leenahay in aanu shirkad ahaan aanu tusno bulshada reer Somaliland qiimaha ay waddanka ku leedahay iyo doorka ay ka qaadato hor-u-marka waddanka.”

Dhinaca kale waxaa isaguna ka hadlay madashaasi Cabdi wahaab Maax oo ka mid ah saraakiisha Shirkada Telesom waxaanu yidhi:

“Shirkad ahaan maanta waxaanu halka ka sheegaynaa labba mashruuc oo balaadhan oo aanu ka qaban doono Garoonka weyn ee Hargeysa,kaas oo uu ugu horeeyo gidaarka weyn ee dhinaca bari ka soo jeeda oo aanu dayactir ku samayn doono dushana aanu kaga wareejin doono taar iyo biro aan laga soo dhici karin iyo dhisida VIP-da garoonka ee ay madaxda iyo masuuliyiintu fadhiisan doonto,oo aanu ka dayactiri doono kuraasteeda iyo dib u habaynteeda, waxa aanu galin doonaa lacag aad u badan mashruucan, laakiin waxaanu ku faraxsanahay in ay tahay wax ummadda aanu dib ugu celinayno, oo aanu dantii guud galinayno.”

Ugu dambayntiina waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Axmed Cabdi Kaahin oo hadalo mahad-celin ah uga soo jeediyey Shirkada Telesom, sidoo kalena ku amaanay inay tahay wax lagu farxo dayactirkan ay shaacisay Shirkada Telesom ee ay ku samayn doonto Garoonka Hargeysa Istaadiyam, sidoo kalena baaq u diray shirkada kale ee waddaniga ah inay ku daydaan shirkada Telesom oo ay ka qaybqaataan dhismaha Garoonka, wasiirka oo arintaasi ka hadlaaya waxa uu yidhi:

“Runtii maanta aad ayaan ugu faraxsanahay in Shirkada Telesom ay balan qaaday in ay dib u habayn iyo casriyeyn ku samayn doonto Garoonka Kubbadda Cagta ee Hargeysa Istaadiyam, waxa aan shaki ku jirin in Shirkada Telesom ay tahay shirkad mar kasta barbar taagan bulshada oo dhinacyo kala duwana wax kala qabata bulshadeena, waxaan u soo jeedinayaa shirkadaha kale ee dalka ka hawl gala in sida Shirkada Telesom oo kale ay uga qayb qaataan casriyeynta garoomadda dalka.”

Shirkadaha ka shaqeeya Somaliland ayaa dadweynuhu ku dhaliilaan in aa bulshada waxba aany ku celin, bulshada inteeda badani tabayso waxtarkooda bulshada.

bandhige@gmail.com