Wasiirka Arrimaha Guddaha waxa uu ka hadlay khilaafka Gollaha Deegaanka Burco, oo qaar ka mid ahi sheegeen in ay doorteen Guddoomiye cusub

Wasiirka Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Waran-Cadde ayaa maanta shir jaraaโ€™id oo uu ku qabtay xafiiskiisa kaga hadlay khilaafka Golaha Deegaanka ee Burco oo xildhibaano ka tirsan Goluhu sheegeen in ay doorteen Guddoomiye cusub.

Wasiir Cali Maxamed Waran waxaa uu sheegay inaanay marnaba Burco yeelan doonin laba maayir lahayna ee ay leedahay hal maayir oo ah maayirkii hore loogu doortay degmadaasi, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

โ€œWaxaan Bulshada u sheegayaa in aanu jirin maayir cusub oo loo doortay Burco ee ay leedahay maayir Muraad oo kaliya mana jiro sharci lagu banaynaya in laba maayir la doorto.โ€

Sidoo kale mar wax laga wediiyey wasiirka sida lagu badali karo maayirkii hore waxaa uu yidhi:

โ€œDadku way is qabtaan marka la doonayo in maayirka la riddo aqlabiyada ayaa codsi keenta oo usoo gudbisa badhasaabka badhasaabkuna anuu iisoo gudbiyaa sidaasaa lagu doortaa hada waxaa jiro oo kaliya maayirkii hore.โ€

Halkan hoose ka daawo muqaalka warkan:

 

bandhige@gmail.com