Gefkii laga galay wiilkii Gabooye (WQ: Cumar Seerbiya)

Saw ma jirto waxbaaha qaar aanayd jeclaysan  in aad adigu ahayd qofkii ogaa  marar badana saw isma  tidhaahdid  naftaada ku qanci inayna waxba ka ogayn arrin aan lagaaga xog-ogaal sanayn  dareen aan fiicnayd  oo ay lahayd darteed,  sheekadan ayaa dhacdo midabkaasi leh huwan.

Maalin  waxa aniga iyo  Axmed Cabdi oo ah saaxiib aan leeyahay oo Hargeysa wada joognay waxaanu is dareen siinay in aanu u  u baahanay rayiisle/Timo-jare, waxaanu markiiba soo qaadnay goob horena xiiristeeda aanu u  amaanay meheradii gaadhnay, nala soo dhawee waliba kursi wacan nala fadhiisi ileen macaamiil saaxiibtinimada iyo ganacsiga kala taqaana ayaanu nahaye.

Meheradani waa goob ka duwan sawirka caadiga ah ee Rayiisla-yaashu leeyihiin, shaqaaluhu waa dhallinyaro dhammaan way ilko cad-cad yihiin xaga labiskana waxaabad moodaa arday maalin sabti ah joogta, guuxa qalabka lagu xiirayo oo aad maqasho mooyaane haddaad xataa magac aan Rayiisle ahayn aad ugu yeedho dambi maad gelin.

Sidaanu aniga iyo saaxiibkay u soo tilmaansanay ayey dhallinyaro kalena u soo tilmaansadeen goobtan oo ay waliba naga soo horeeyeen taasina waxay sababtay in aanu sugno.

Kaftan badan ayaa goobta ka socda dhallinyarada meherada iyo kuwa kale ee loo shaqaynayo waxay ka sheekaysanayaa jacayl, ciyaaro iyo gabdho lala haasaaway, hadda iyo waqti horeba, hadalo faan u badan ayaa sheekada ku soo noq-noqonaya.

Aniga laftaydu kolba qof ayaan eegayaa oo dhammaan waxaan xiisaynayaa waxa socda ileen waa dhallinyaro ila fac ah arrimaha laga sheekaynayaaye si bay ii taabanayaan.

Markii loo dhameeyey wiil loo jarayaey timaha oo aan sugaayey anna ayaan kacay si aan u fadhiisto kursiga, saaxiibkii ugu kaftanka badnaa goobta waxa soo dhacay taleefankiisii waxa hal mar wada hadlay saddex isku jira shaqaalaha iyo dhallinyarada loo shaqaynayey oo waxay yidhaahdeen:

“Hebelaw waa lagu rabaa.“

Waliba ku darsoo waxa wada aamusay dhammaan dadkii hadlayey, inta uu si xarago leh u dhaqaaqay ayuu kor u qaaday taleefankii oo ku soo dhacay hees erayo cod degan iyo muuqaal qurux badan sawiraya waxayna ahayd heesta ay wada qaadaan Maandeeq Iyo Daa’uud Cali Masxaf oo waxay  ku bilaabmatay:

“Waxa lay dulkeenaa degmadaad ku nooshoo, naftu waxya dareentaa inagoo dalxiisnoo Daalo aynu joognee.”

Marka ay halkaasi marayso ayuu inta uu kor u qaaday yidhi waad  I arkaysaan dee saaxiibayaal waliba inta uu cod sare ku   hadlay ayuu yidhi:

Hello Xabiibi qalbigaa ku salaamay.”

Markay intaasi ka soo baxday waxaan maqalnay cod kiisa ka dheer oo leh:

“Waar yaahe ma aniga ayaad ii qarisay in aad Gabooye tahay waan ku soo ogaaday, ma adiga oo Gabooye ah ayaad rabtaa in aad ila hadasho.“ 

Intaasi ayey waliba cay isir iyo qof ahaaneedba sii raacisay, dhulka ayaan aragnay taleefankii oo yaalla oo ay iyadiina ka sii dhex hadlayso waxaan anigu sii maqlaayey ma ogi bulshadii kale in ay maqlayeene isaga oo taleefanku gal-ganaayo iyadiina ay ka sii dhex leedahay mar dambe ha isoo wacin.

Horta shaqoba way istaagtay la wada nax ninkii la waraysay balse isaga inta u hareeraha eegay ayuu dibedda u baxay wajigana biyo ayuu marsaday,  saaxiibadiisii kale ayaa mid ka mid ahi yidhi:

“Wallee waxbaa ku dhacay hebel, maalinkasta waxaasi oo kale ayaa na helee raggu ha wada gubto.”

Maalin kale ayaan la kulmay wiilkii waxaanka waraystay  mushkiladii maalinkii qaybtiisa hore bilicsanayd  na haleeshay, waxa uu  si dareen leh iiga waramay gabadha weerarka wadnaha ku goysay ee soo hadlaysay, waxaanu ii sheegay in maalinkaas laba maalmood ka hor uu suuqa Hargeysa ka bartay gabadha, iyada oo meel maraysana uu u sheegay in uu damac haasaawe ka galay iyaduna ay soo dhaweysay, waliba ay isla maalinkaas u sheegtay in haasaawihiisa ku qanacday,  saacadihii ka dambeeyeyna la isku adeegsaday hadal iyo hawraar waxii la hayey.

Waxa uu hadalkiisa ku soo koobay:

“Tani waxay I baraysaa in haddiiba gabadh uu damac iga galo in aad ka hesho iyo in ay kula hadasho waxa iiga horeeya in ay ka mid tahay gabdhaha aan la haasaawi karo oo ah gabdhaha Gabooye oo kaliya.”

Sidaasi ayaan anna  idhi:

 “Gefkii laga galay wiilkii Gabooye”

Waxa Qoray: Cumar Seerbiya