Madaxweyne Abdifataax Al-Sisi oo ka hadlay burburkii diyaaradda EgyptAir

Madaxweynaha dalka Masar Cabdifataax Al-sisi ayaa sheegay in arrimo badan ay suurtagal yihiin mar ka eego xaaladda diyaaraddii dalkaasi ee Khamiistii burburtay.

Madaxweyne Sisi ayaa sheegay in baadhitaanada lagu sameynaya sababta keentay in diyaaraddu ay burburto ay qaadan karaan muddo dheer, waxa uuna warbaahinta ugu baaqay in aysan baahin warar aan la hubin.

Diyaaradda oo ka soo duushay magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa burbutay wax yar uun kaddib markii ay soo gashay hawada dalka Masar oo ay ku wajahnayd.

Shilkaasi ayaa waxaa ku dhintay dhammaan 66 qof ee diyaaradda saarnayd.

Shalay oo Sabti ahayd ayaa baadhayaasha dalkaasi Masar waxa ay sheegeen in durbaba aysan goโ€™aan ka gaadhi karin waxa sababay in diyaaraddu ay burburto.

Kooxaha baadigoobka ayaa wali raadinaya burburka diyaaradda inteeda badan iyo labada sanduuq ee madow ee duuba macluumaadka diyaaradda.

burburka diyaarada

bandhige@gmail.com