Geesigii Geeska, Q.2aad (WQ: Cabdi Cawiye)

Inkastoo garaadka siyaasiga ee dadku uu hooseeyey oo aanu Faarax ka helin gacan fiican, haddana waxa u suurto gashay in uu sii wato halgankii uu ku jirey. Isagoo isticmaalaya hal-ku-dhigyadiisii ay ka mid ahaayeen:

“Ingiriisku waxa uu xuquuqda binu-aadamka kaga yimaaddaa xafiiska la yidhaahdo Colonial Office ee London ku yaal.”

Faarax Oomaar markii uu muddo joogay dalka oo uu intaa waday baraarujin iyo hoga tusaaleyn ayaa waxa uu ka helay deeq waxbarasho (Scholarship) jaamacad ku taalla Hindiya oo la yidhaaho Aligar University halkaas oo uu ku bartay cilmiga shuruucda (law).

Barashadii cilmiga qaanuunku waxay u noqotay Faarax Oomar furihii ugu weynaa ee u u furay jidkii uu u mari lahaa halgankiisa gobonimo-doonka ah ee siyaasiga ah, waxayna u noqotay hub uu kula dagaalamo gumaysigii Ingiriiska ee haystay dalka.

Intii uu Hindiya waxbarashada u joogay, ayaa waxa uu Faarax la kulmay macallimiin waaweyn oo jaamacaddiisa wax ka dhigi jirtey, kuwaas oo uu ka dhegeystay casharro ka hadlayey dhibaatooyinkii gumaystuhu ku hayey dadyowgii ku noolaa Afrika, Aasiya iyo Laatiin Ameerika ee la gumaysan jiray. Waxa kale oo xilligaa uu India joogay u suurto gashay in uu la kulmo dhaqdhaqaaqii gobonimo-doonka ee Hindiya oo ay hogaaminayeen Mahatama Gandi, Juwahaaralal Nehru iyo Maxamad Cali Jinaax.

Waxa Faarax Oomaar uu saaxiibtinimo dhow la samaystay geesigii weynaa ee Mahatama Gaandi oo markaa waday halgankiisii lagu yaqaanany gacan-ka-hadal la’aanta(non-violent). Fikraddaas oo uu Faarax Oomaar aad ugu bogay ayaa sal u noqotay halgankiisii. Wuxuu kaloo uu xidhiidh la yeeshay raggii la odhan jiray (Rijaalul Nahda) ee hoggaaminayey halganadii gobonimo doonka ahaa ee ka socday dalalka Carabta. Ragga uu xidhiidhka la samysatay waxa ka mid ahaa:

  1. Jamaludiin Afgaani
  2. Maxamed Cabdalla
  3. Mustafa Kamaal
  4. Shakib Aslaam
  5. Sacad Saqluul
  6. Iyo Maasiini

kuwaas oo dhammaantood uu ka soo dab qaatay una suurto geliyey in uu halgankiisii dhidibada u sii adkeeyo.

Soo noqoshadiii Faarax Oomaar ee dalka

Markii uu waxbarshadiisa jaamacadeed soo dhamaystay ayuu Faarax Oomaar dalkiisii hooyo dib ugu soo laabtay. Madaxdii Ingiriiska ee Somaliland kumay farxin imaatinkii Faarax, waxayna u arkeen inuu shidayo dab ka daran kii Ina Cabdule Xasan. Sidii la filiyey waxa uu Faarax markiiba bilaabay halgan siyaasadeed oo ba’an isagoo isticmaalaya aqoontii sharciga ee uu soo bartay. Nimankii maamulayaasha ahaa markii ay arkeen tabaha cusub ee uu wato ayey go’aan ku gaadheen inaan Oomaar la fogeyn ee uu ka shaqeeyo xafiiska DC-ga ee Burco. Faarax oo fahmay shirqoolkaa aamusiinta ah ayaa doorbiday inuu ka shaqeeyo xafiiska dacwadaha si uu ula socdo xadgudubayada dadkiisa lagu hayo. Hase yeeshee markii uu u adkaysan waayay cadaadintii madaxda Ingiriiska ku hayeen, ayuu xafiiskii dacwadahana uga tagay.

Faarax wuxuuna doortay inuu ku shaqaysto xirfadii uu soo bartay wuxuuna furtay xafiis qareen isagoo difaacaya dadka gumaystuhu u arkayay inay danihiisa ka so horjeedaan kuwaasoo lagu soo oogi jiray dacwado dulmi ah. Faarax shaqadaas ayuu ku so jiitay dadkii xaqa jeclaa ee la socday dulmiga iyo yasidda lagula kaco. Shaqadaasi waxay kaloo uu suurto gelisay in Faarax Oomar uu ku biiro Ururka Qareenada ee Ingriiska (British Lawers Association) maadaama ay Somaliland ka tirsanayd maxmiyadihii Ingriisku dunida ku lahaa.

Dawladdii Ingirisku markii ay ogaatay in Faarax dhaqdhaqaaqiisii gobonimo-doonka ujeedooyinkii uu ka lahaa uu shaaca ka qaaday oo uu halgankiisii ka dhigay mid aanu la gaban, ayay kordhiyeen cadaadintii isaga iyo tageerayaashiisa lagu hayay. Madaxdii Ingriisku waxay isku dayeen inay iska hor keenaa Faarax iyo dadwaynihii, iyagoo u sameeyay 35 Caaqil oo dawladda mushahar ka qaata shaqadooduna ay ahayd inay Faarax dadka ku soo jeediyaan. Ilaa xad arrintaasi waa u suuro gashay odayaashii madaama aqoonta dadweynuhu xiligaas aad u hoosaysay. Taasi ku kelliftay in Faarax Oomaar uu iskii dalka dibadda mar kale uga baxo. Laakiin dibed baaxaas wuxuu Farax u adeegsaday inuu qadiyadda Somalida ka dhigo mid caalami ah.

Safarkaas Faarax wuxuu ku tegey Cadan, wuxuna ka qayb qaatay asaaskii ururkii la odhan jiray (Somali Islamic Association), oo la asaasay sanadkii 1926dii, kaasoo ahaa urukii ugu horreeyey ee laga sameeyo dalka dibaddiisa, waxaana kula jiray rag ay ka mid ahaayen Ileeye Xaashi iyo Cabdi Siciid Xuseen oo ay Faarax saaxiib ahaayeen.

Halkaa wuxuu Faarax Oomaar uga sii gudbay Ingriiska. Intii aanu gaadhin London, waxa imaantikiisa la socday xukuumadda Ingriiska iyo dadwayne fara badan oo Ingriis ah oo ogaa inuu imanayo dalkooda halgamaa weyn oo Somaliland ka socda. Sidoo kale, waxa safarkiisa ka warhayey Ururka Gar-yaqaanada Ingiriska (British Lawyers Association) oo uu xubin ka ahaa. Ururkaas ayuu ahaa kii sii faafiyey socdaalka Faarax isaga oo dadwaynaha Ingiriiska us sheegay in garyaqaan Soomaaliyeed uu u halgamayo gobonimada dalkiisa diidana gumaysiga Ingiriiska uu ku soo fool leeyahay London.

La soco……………………

 Qalinkii: Cabdi Caawiye

shaywaal12@gmail.com