Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi “Cirro” iyo weftigii uu hoggaaminayey oo ku sugan dalka Maraykanka ayaa waxa la kulmeen saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka gaar ahaan kuwa u qaabilsan Bariga Afrika.
Kulan oo socday in ka badan hal saac ayaa labada dhinac ay kaga wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin Ictiraafka Somaliland iyo doorashooyinka Somaliland foodka ku soo haya.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo weftiga la socday ayaa ugu horrayn masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda warbixin ka siiyey taariikhda Somaliland iyo sida ay ugu qalanto in ay ka mid noqoto wadamada beesha caalamka, sidoo kale waxay kala hadleen xasiloonida ka jirta iyo sida ay wadamada gobolka ugala shaqayso dhinaca ammaanka iyo la dagaalanka dembiyada abaabulan.
Arrimaha weftigu is-dultaagay waxa ka mid ahaa qabsoomida doorashooyinka Somaliland iyo sidii dawladda Maraykanku ay gacan uga geysan lahayd.
Saraakiisha ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo ahaa masuuliyiinta qaabilsan arrimaha Geeska Afrika ayaa kala ahaa Peter Lord oo ah ku-xigeenka Xafiiska qaabilsan arrimaha bariga Afrika iyo Stacy M. Session oo qaabilsan xafiiska Soomaalida.
Labadan masuul ayaa sheegay in ay dawladda Maraykanku diyaar u yahay in uu door muhiiim ah ka ciyaarto dhinaca doorashooyinka iyaga oo tusaale u soo qaatay mashruuc ay ku bixinayaan hawlaha doorashada.
Weftiga ka socday Somaliland gaar ahaan Waddani ayaa hordhigay masuuliyiinta ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka in ay xafiis diplomaasiyadeed ka furtaan Hargeysa sida dawladaha kale.
Arrimaha la isla soo qaaday waxaa iyana ku jiray sidii doorashooyin wanaagsani uga dhici lahaayeen gobollada bari, taas oo weftiga ka socday Waddani ay u sheegeen in Xisbiyada siyaasadda, Golaha Baarlamaanka iyo xukuumadduba ay booqdeen marar is xig-xigta gobolladaas iyaga oo ka shaqaynaya sidii diiwaangelin buuxda ay uga qabsoomi lahayd.
Ugu dambayn kulanka ayaa ku dhammaaday jawi is-af-garad ah. Waxaana dhinaca Somaliland kulanka ku wehelinayey Guddoomiyaha xubno ay ka mid yihiin Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Waddani Dr. Maxamed Cismaan Fadal, Dr. Maxamed Cali Cabdi, Xil. Cabdulqaadir Jirde, Xildhibaan Ibraahin Jaamac Reayte iyo Nuura Axmed Weris Wakiilka Waddani ee Gobollada Virginia, Maryland iyo Washington DC.