Xarunta Tudhaale ee dhiirigalinta iyo tababarada ayaa waxay u dabaal degeen sannad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay aasaaskii xarunta

Munaasibadan ayaa ahayd mid loo dabaal dagayay sannad guuradii kowaad ee markii la aasaasay xarunta dhiirigalinta iyo tababarada ee Tudhaale.

Waxaana ka soo qeyb galay masuuliyin uu ka mid yahay wasiiru-dawlaha wasaarada waxbarashada iyo taciinta sare Maxamed Xaaji Aadan, dhalinyarada wax ka barta xarunta iyo marti sharaf kale ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay aas aasaha xaruntani Xamse Siciid Maxamed Tudhaale isagoona ka warbixiyay waxyaabaha meesha lagu dhigo iyo sababahii ku kalifay waxaana uu goobtaasi ku soo bandhigay intii ay jirtay xaruntani waxqabadkoodi waxaana uu yidhi:

โ€œFikirkan waxaa uu ka yimid wakhti aan waday buugayga Tudhaale, wakhtigaasi waxaan mari jiray dugsiyada, kuwasi oo aan ugu talo galay in aan la wadaago waxii dhiirigalina iyo waxii talo bixina, markaas xiligaasi ayaa waxaan arkay dad badan oo baahi u qaba qofku isagu siduu u sameysan karo mustaqbal iyo qofku siduu naftiisa u maarayn karo, markaas ayaa waxaan ku fikiray in aan sameeyo machad lagu bixiyo tababarada horumarinta shaqsiyada.โ€

Xamse Siciid Tudhaale oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu intaasi ku daray in ay u rumowday riyadii wakhtigaasi ay hayeen waxaana uu yidhi:

โ€œIllaahay waa igu guuleyay in uu iga soo baxo fikirkaasi inteena badan fikirku waa uu inagu dhex dhintaa, laakin waxaa ugu muhiimsan in aad ka midho dhaliso fikirkaaga oo uu noqdo mid aakhiro iyo adduun ku anfacaya ummaddana wax u taraya, caqabadii ugu horeysay ee iga hor timid waxay ahayd in aan helo goob aan machadka ku dhigo, kadib waxaan imid dugsigan Sheekh Bashiir waxaanan la hadlay maamulaha Sheekh Bashiir, waxayna ii balan qaaday in ay I siiso labba fasal Khamiisaha iyo Jimcayaasha markii aan xayaysiiski baahinay ayaa waxaa isa soo diiwangaliyay 24 arday, waxaana ay 24 ardayba nasiib u heleen in ay ka qalinjabiyaan 10 Diisambar 2015 markaasaan dareemay in ay riyadani tahay mid suurto gali karta.โ€ย 

Gabagabadii munasibadaasi waxaa so afmeeray wasiiru -dawlaha wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Maxamed Xaaji Aadan waxaana uu ku dhiirigaliyay aas aasaha xaruntani iyo dhallinyaradaba in ay ka qeyb qaatan horunmarinta dalkooda waxaan uu ugu baaqay ka wasaarada ahaan in ay waxa ay rabaan la garab istaagi doonaan, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:

โ€œMashaaricdan aynu adduunyada ku aragnay ee gawaadhida iyo diyaaradahaba leh cidbaa fikirtay cidbaana ku tacabtay, dhammaantood kumay tabcin cidii ku fikirtay marki hore oo kaliya laakiin ummadbaa markii la arkay wax soo saarka caynkaas oo kale ah dhiirigalisay oo dabeedna suurto galisay, waxaanu soo dhaweynaynaa oo aanu ku dadaalaynaa in aynu afkaarta quruxda badan ee anfacaysa ummaddan in aynu dhiirigalino oo aanu daalin ee uu helo wahel iyo kaalmeeyayaal garabkiisa jooga, ka xukuumad ahaan wax aan iska balan qaadayo oo aan meesha kaga kacayaa ma jirto laakin waxaan jecel ahay in wax alle waxii aan kala qeyb qaadan karno aan kala qayb qaadano isaga iyo inta la midka ah ee sidaas oo kale u fikiraysa, waa arrin aad iyo aad u wanaagsan waxaa inoo muuqanayay sannad isagoo jira waxii uu qabtay wax la taaban karo ayay ahaayeen, wax ummaddan anfacaya ayay ahaayen waxaanan leeyahay hanbalyo hanbalyo.โ€

Munaasibada ayaa intii ay socotay waxa halkaasi shahadooyin lagu guddonsiyay arday ka qeyb qaadatay horumarinta xaruntan.

bandhige@gmail.com