Xildhibbaano iyo Madax-dhaqameed ka Soo Jeeda Gobalka Saaxil ayaa ku bogaadiyeen Maareeyaha dekedda Berbera balaadhinta uu ka waddo qaybteeda barxada Wajaale

Qaar ka mid ah xildhibbaanada Golaha Deegaanka Berbera, Salaadiinta iyo cuqaal ka soo jeeda ย gobalka Saaxil ayaa waxay Maareeyaha dekedda Berbera Inj.Cali Cumar Maxamed โ€œCali Xoor-Xoorโ€ ku bogaadiyeen ballaadhinta, casriyeynta, dib-u-habeynta iyo horumarka ka socda dekedda Berbera, waxaana ay cod dheer ku sheegeen in ballaadhinta uu ka wado barxadda Wajaale ee dekedda Berbera ay tahay horumar-weyn oo u soo kordhay guud ahaan qaranka Somaliland isla mar ahaantaana fududeynaya siddii dekedda Berbera ay ula tartami lahayd dekeddaha caalamiga ah ee dalalka horumaray.

Waxaana ay sidan ku sheegeen shir-jaraaโ€™id oo ay maanta ku qabteen Berbera, iyaga oo tilmaamay in Maareeye Cali Xoor-Xoor uu horumar ballaadhan ka geystay dekedda Berbera muddadii uu hayey xilka dekeddaasi.

Ugu horey Xildhibbaan Aadan Axmed Cali oo ka hadlay shirkan jaraaโ€™id ayaa waxa hadaladiisii ka midย ahaa:

โ€œDekadda Berbera waa dekad la jaan-qaadi karta dekadaha kale ee caalamka, waana runtii dekad horumarkeedu uu aad u ballaadhan yahay, muddadii uu joogay Maareeye Cali Xoo Xoor-na wax badan ayuu ka qabtay dekadda, oo ay ugu dambeyso mashruuca ballaadhinta dekadda ee wajaale, horumarka baaxadda leh ee ka socda dekadda waxa aanu ku boggaadinaynaa Maareeye Cali Xoor Xoor oo noqday Maareeyahii abid ugu wax-qabadka badnaa ee soo mara dekadda Berbera.โ€

Suldaan Maxamed Axmed Ismaaciil oo isna ku hadlaayey afka Salaadiinta iyo Cuqaasha gobalka Saaxil ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay horumarka ka socda dekedda Berbera, waxaana uu Maareeye Cali Xoor-Xoor ku tilmaamay halyeygii ugu horreeyey ee wax-qabad la taaban karo ka geystay guud ahaan dekedda magaalada Berbera. Suldaanka oo arrintaas ka hadlayaana waxa uu yidhi:

โ€œMaareeyahu waxa uu ballaadhin ku sameeyey dekadahii hore ee ay innoo sameeyeen Ajaanibku, isaga oo dhisay dekadda ka baaxad weyn kana ballaadhan kuwaa hore oo runtii qaadi karta illaa 20,000 oo Kontiner, waxaana ay suurto-gelin kartaa in ay ku soo hirtaan daneeyeyaasha caalamka, maareeye garabkaaga ayaanu nahay, halyey ayaad tahay noo horseeday horumar iyo nidaam wanaagsan ee halkaa ka sii wad annaguna waanu ka dabba joogaynaa haddii Eebe qadaro eโ€™.โ€

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:

bandhige@gmail.om