Maraykanka oo ka hadlay doorashadii Jabuuti

Dawladda Maraykanka ayaa shacabka Jabuuti ku ammaanay sida nabad ah ee ay uga qeyb galeen doorashadii Madaxtinimada ee ka dhacday Jabuui toddobaadkii hore.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa lagu sheegay in inkastoo doorashooyinku ay muhiim u yihiin bulshooyinka dimoqraadiyada ku dhaqma, haddana dimoqraadiyad sidoo kale lagu dhiso aas-saaska sharciga iyo kala danbeynta, xorriyada madaniga, iyo doodaha siyaasadeed eeย furan ee dhexmara dhinacyada.

Maraykanka ayaa sheegay in uu ku boorinayo dawladda Jabuuti in ay taageerto xorriyadaha shirarka nabadeed, urur iyo fikradaha dhammaan dadka rayidk ah ee Jabuuti.

Maraykanka wuxuu sheegay in uu xidhiidh xooggan uu kala dhaxeeyo Jabuuti, uuna rajeynayo in uu sii kordhiyo danaha ay labada dhinac wadaagaan iyo in dadka Jabuuti laga gacan siiyo in ay sameystaan barwaaqo badan iyo dimoqraadiyad mustaq leh.

Dawladda Maraykanku waxay sheegtay in ay fiiro gaar siinayso hadallada ay soo gudbiyeen IGAD, Midowga Afrika iyo ururada kale ee ku aadan kor-u-qaadida hannaanka doorashada mustaqbalka Jabuuti , wuxuunaย Maraykanku sheegayย in uuย rajaynayoย inuuย Dawladda Jabuuti uu kala shaqeeyoย sidii soo jeedimahaasiย kor loogu sii qaadi lahaa.

bandhige@gmail.com