Xisbiga Kulmiye waxa uu shaaca ka qaaday inaanu siyaasi Cabdirashiid Riyo-raac katirsanayn xisbiga Kulmiye

Hoggaanka golaha dhexe xisbiga Midnimada iyo Horumarka ee KULMIYE, ayaa shaaca ka qaaday inaanu siyaasi Cabdirashiid Riyo-raac katirsanayn xisbiga, islamarkaana aanu xubin ka ahayn golaha dhexe ee xisbiga, waxana ay meesha ka saareen warar been abuur ah oo uu xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI warbaahinta la wadaagay.

Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa iyo xoghayaha golaha dhexe, Mudane Mustafe Maxamed Yoonis oo ay wehelinayaan xubno kamid ah xisbiga KULMIYE oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta dhexe ee xisbigu ku leeyahay magaalada Hargeysa, ayaa warka kasoo baxay xisbiga WADDANI ku sheegay mid lagaga been abuurtay xisbiga KULMIYE iyo golahooda dhexe, islamarkaana aanu siyaasigaasi waqtigan ku jirin xisbiga talada haya ee KULMIYE.
Hoggaanka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, waxa ay sheegeen in beer abuurka ay WADDANI sameeyeen ay la tiigsan doonaan sharciyadda dalka oo aanay dhaafi doonin eedda intaas le’eg ee ay jeediyeen.

Ugu horrayn guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa shaaciyey inaanu siyaasi Cabdirashiid Riyo-raac kamid ahayn golaha dhexe ee xisbiga, xubinna aannu ka ahayn xisbiga, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxannu doonaynaa inaanu ka jawaabno hadal kasoo yeedhay xisbiga WADDANI, kaas oo ku saabsanaa ninka la yidhaahdo Cabdirashiid Maxamed Jaamac (Ina Riyo-raac) oo ay sheegeen inuu ku jiro golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaan doonaynaa inaannu caddayno inaanu ku jirin golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE.”

Guddoomiye Warfaa oo hadalkiisa sii wata, ayaa sharraxay waqti uu siyaasi Cabdirashiid Riyo-raac ku biiray golaha dhexe oo uu ku galay wasiirnimo, islamarkaana uu ka baxay isla markii uu wasiirnimadii waayey,“Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE laba nooc baa loo gala, nooc waa golaha dhexe ee deegaammada, nooca labaadna xubin sharaf baa la yidhaahdaa waxa ay ka yimaaddaan golaha wasiirrada iyo golaha wakiillada, qofkuna marka uu golaha wasiirrada xubnin ka noqdo waxa uu toos u noqonayaa xubin kamid ah golaha dhexe, marka uu xubinnimada golaha wasiirrada ama golaha wakiillada waayona toos buu uga baxayaa, markaa Cabdirashiid golihii 2014-kii, ayuu kusoo galay wasiirnimo, golihii dambe ee 2019-kii aannu Boorama ku qabanayna kuma jiro, nagamana uu mid ahayn,” ayuu yidhi guddoomiye Maxamuud Jaamac Warfaa.

Xoghayaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, Mudane Mustafe Maxamed Yoonis oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa hoosta ka xarriiqay in ujeeddada xisbiga WADDANI tahay inay meesha ka saaraan xuquuqda muwaadin Cabdirashiid Riyo-raac, islamarkaana aanu siyaasigaasi meelna kasoo gelin diiwaannada sharciga ah ee xisbiga KULMIYE lagaga mid noqdo goleyaashiisa kala duwan.

Ugu dambayntii shirguddoonka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, waxa ay uga digeen xubnaha xisbiga WADDANI beer abuurka iyo eedaymaha xadka ka baxsan ee ay ku wadaan xisbiga KULMIYE iyo jiho-wareerinta ay bulshada waqtiga kaga luminayaan, waxana ay usoo jeediyeen inay ka waantoobaan xogaha daciifka ah ee ay daliishanayaan.

Xigasho: Page-ka warbaahinta kulmiye