Xoghayaha Maraykanka oo taageero weyn la garab istaagay Biljimka

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka  John Kerry ayaa dalka Belgium gaadhsiiyay farriin ka dhan ah ururka la baxay Khilaafada Islaamka ee ka dagaalanta Suuriya iyo Ciraaqo oo sheegtay masuuliyada weeraradii Brussels.

Kerry ayaa waxa uu la kulmay Raysal Wasaaraha Biljimka Charles Michel, si uu tacsi ugu gudbiyo kadib qaraxyadii dhacay todobaadkii hore Brussels, islamarkaana ugu yabooho taageero.

Waxa uu sidoo kale Kerry sheegay in sababta ay Daacish weerarada uga fulineyso meel ka baxsan bariga dhexe ay tahay in khilaafadooda ay ku dhowdahay burbur.

Waxa uu tilmaamay in Maraykanku uu gacan ka geysanayo sidii kuwii weeraray Brussels loo horkeeni lahaa cadaaladda.

Xilli sii horeysay booliska Biljimka ayaa waxay xidheen lix qof kaddib howlgal ay ka fuliyeen Brussels.

Weeraradii Brussels ayaa waxa ku dhintay oo kaga jiray Maraykanka laba qof.

bandhige@gmail.com