Xasan Al-Banna: Dheemankii Qarniga Q. 4aad (WQ: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub)

Imaam Xasan xagguu gaadhsiiyey Ikhwaanka?

Muddo aad u kooban waxa la ogaa sidu u hanaqaaday Ikhwaanku. Wuxu noqday dhaqdhaqaaq fikirkiisa dad badan oo dunida jooga saameyey; kana gudbay gudihii Masar oo noqday mid caalami ah.

Rabbi ha janneeye imaam Banna wuxu ku soo celiyey waddo muddo dheer la sugayey oo laga leexday; wuxu isku lammaaneyey aqoonta dhaxalka ‘Diinta’  iyo aqoonta dheefta ‘Maadiga’. Wuxu soo saaray aqoonyahanno labadaa ka dhisan.  Wuxu noqday fikirkiisu mid curineed oo tub kasta oo la mahadin karo cidna aan laga diidin. Wuxu noqday fikir dhexdhexaad ah; oo aan u janjeedhin afkaarihii leexsamay ee hore loogu hodmay. Wuxu noqday fikir soo dheegta afkaarihii ka horreeyey wax kasta oo ay ku wanaagsanayeen, kana leexda wax kasta oo ay aaminaadda ‘Caqiidada’ Sunniga ku baal marsanaayeen. Wuxu hantay fikirkani dadyow kala geddisan oo dunida daafaheeda kala jooga.

Hoggaanka Ikhwaanka?

Imaamku intii uu noola isaga hoggaamiye u ahaa Ikhwaanka, dabadii siddeed hoggaan baa iskaga dambeeyey, sidan baanu wakhtigoogu kala ahaa:

  • Hoggaankii ugu horreeyey: Imaam Xasan Al-Banna; 1928-1949
  • Hoggaankii labaad: Xasan Hudaybi; 1949-1973
  • Hoggaankii saddexaad: Cumar Talmasaani; 1973-1986
  • Hoggaankii afaraad: Maxamed Xaamid; 1986-1996
  • Hoggaankii shanaad: Mustafe Mashhuur; 1996-2002
  • Hoggaankii lixaad: Ma’muun Hudaybi; 2002-2004
  • Hoggaanii toddobaad: Maxamed Badiic; 2004-2010
  • Hoggaankii siddeedaad: Maxamuud Cusaat; 2010-ilaa hadda

Bud-dhigga Ikhwaanka ‘Manhaj’?

Siddeedan qodob ee soo socda waxa u xariiqay Imaamka oo kolku asaasayey dhaqdhaqaaqa bud-dhig ugu dhigay:

  • Dacwad Salafi ah: qaab-fikir iyo habdhaqan ku sallaysan kii la ammaanay ee saddexdii qarni.
  • Dariiqa Sunniya: waddo waafaqsan tubta sunniga ee ku sallaysan fikir tolmoon oo loo qaado sidii ay u fahmeen inta ku abtirsata dhabbadan sunnigu.
  • Suufinnimo xaqiiqo ah: Suufinnimadu xilligii hore waxa ay ahayd mid la ammaanay oo ujeedkeegu ahaa; “Tarbiyeynta nafta, nadiifinta qalbiga, ku sugnaanta akhlaada wanaagsan, ka fogaanta xaaranta…..” Horseed waxa ka ahaa culimo iyo akhyaar la ammaanay oo aan la ceebayn; Abu Qaasin Junayd, Abu Maxamed Ruwayn, Abu Cabbaas Al-Adami, Abu Isxaaq Ibraahin, Abu Qawaaris Shaah iyo rag la wakhti ahaa.

Afartii imaam ee madaahibta inoo bud-dhigay qudhooda ammaan baa laga haya ay ammaanen suufiyadda. Sheekh Taymiya isna waa ammaanay, iyaga warkooga daa; Suldaankii Culimada Cisi ina Cabdisalaan, Nawawi, Qasaaligii hore.

Xilli dambe ayaa la falsafadeeyey oo laga baddalay intii lagu ammaanay loona leexiyey khurafaad aan diinta sal ku lahayn, laakin bilowgeedi hore waxa ay ahayd mid la ammaanay culimadii ugu waawaynayd ee xilligaa noolana ammaaneen.

La soco qaybta labaad……

Tallo iyo tusaale ba waa xaggina

 

Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan-Rakuub

Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Tell: Telesom: 063 440 85 03. Somtel: 97 08 515

Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

Rakuub.wordpress.com