Xoghayaha Qaramada Midoobay waxa uu sheegay in aanu Sacuudigu iyo xulafooda ka saarin karin liiska madow ee tacaddiyadda carruurta

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon, ayaa sheegay in uu cadaadis xoogan la kulmay, si uu dalka Sacuudi Carabiya iyo qaar ka mid ah xulafadiisa uu uga saaro liiska madow ee tacaddiyadda carruurta loogu geystay dalka Yemen, oo xulufadaasi ay kula dagaalamayaan xooggaga Xutiyiinta.

Sacuudi Carabiya ayaa ka biya diiday warbixin ay Qaramada Midoobay soo saaratay, warbixin taas ooo  sheegeysa in xulafada ka dagaalamaysa Yemen ay masuul ka yihiin boqolkiiba 60 carruurta ku dhimatay ama ku dhaawacantay dagaalka  ka socda Yemen kaas oo bilaabmay sannadkii hore.

Mar uu Ban Ki Moon la hadlayey war-fidiyeeno ayaa waxa uu sheegay in aqbalay dhaleecaynta loo soo jeediyey waddamada, waxaanu sheegay in aanu qaadan karin go’aanka lagu doonayo in xulafadaa lagaga saaro liiska madow.

Sacuudi Carabiya ayaa beenisay in ay cadaadis saartay Qaramada Midoobay.

Safiirkeeda u fadhiya Qaramada Midoobay, Cabdullahi al-Mucallimi, ayaa sheegay qaabka ay adeegsatay Qaramada Midoobay markii ay go’aankaasi gaadheysay in uu ahaa mid qalad badan uu ku jiray.

bandhige@gmail.com