Ammaanka Paris oo aad loo adkeeyey, maanta oo uu bilaabmayo koobka Yurub

Koobka wadamada Yurub  oo maanta ka bilaabmaya Faransiiska ayaa waxa ay ka cabsi qabaan weeraro argagaxiso lala beegsado goobaha garoomada.

Cabsidaas oo uu guud ahaan ka taagan Faransiiska ayaa waxa aad ammaankeeda loo adkeeyey magaalada Paris, kuwaas oo laga hirgeliyey Tallaabooyin dhinaca ammaanka ah oo aan horay loo arag, hor saacado intii aysan marteglin cayaarta furitaanka ee hoyraalka Yurub ee 2016.

Waxaa magaalada la soo dhigay boolis, iyadoo la kordhiyay tallaabooyinka ammaanka balse waxay madaxdu wax ka qabanayaan dhibaatooyinka soo noqonoqnaya. Shaqo joojinta Faransiiska ee sababtay in qarshinku ku ururo wadooyinka Parisian ayey hadda u muuqataa in laga nadiifinayo ka hor inta aysan ciyaarta furitaanku bilaaban.

Wasiirka gaadiidka, Alain Vidalies, wuxuu ku hanjabay in uu ku qasbayo darawalada tareenada in ay ku soo laabtaan shaqooyinka si taageerayaasha u gaadhaan ciyaarta furitaanka oo wada dheeli doonaan Faransiiska iyo Romania garoonka Stade De France, kaasi oo saddex xagjiriin ah oo walxaha qarxa sita weerareen sannadkii hore.

 

bandhige@gmail.com