Xukuumadda Somaliland iyo shirkadda DP World waxay saxeexa ku duugeen heshiiska maalgeshiga dekedda Berbera

Xukuumadda Somaliland Iyo Shirkada DP World ee maalgelinaysa Dekedda Berbera ayaa Maanta ah si rasmi ah qallinka ugu wada-duugay dhamaystirka heshiiskaas oo ka dhacay magaalada Dubai.

Heshiiskan ayaa waxaa Somaliland u saxeexay Wasiirka Arrimaha Dibedda Sacad Cali Shire, halka shirkadda Dp World uu u saxeexay Madaxa Shirkadaasi Suldaan Axmed Binu Sulaymaan.

Madashii Lagu saxeexayay heshiiska kama dambeysta ah waxa goob joog ka ahaaa Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxman Saylici, Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacad Cali Shire, Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Mudane Cali Shoombe, Safiirka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Mudane Baashe Cawil.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:

bandhige@gmail.com