Waxa si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii ka dhashay doorashooyinka, waxana Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyeyaasha labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ay kala saxeexdeen heshiis la xidhiidha sidii ay u qabsoomi lahaayeen doorashooyinka Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka JSL.
Heshiiskaasi ay kala saxeexdeen Madaxweynaha iyo Guddoomiyeyaasha Xisbiyada mucaaridka waxa ka mid ahaa qodobadii ay ku heshiiyeen sidan:-
Guddida Doorashooyinka waxay leeyihiin awooda sharci ee doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada, waxaanay u igmanayaan Guddida Farsamada maamulka Doorashooyinka dhammaan qabashada hawlaha farsamo ee doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada, si waafaqsan Xeerarka iyo Qawaaniinta doorashooyinka dalka ee jira sida:-
Xeerka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada, Xeer Lr.20/2001, oo uu weheliyo Kaabistii iyon Wax ka beddelkii lagu sameeyey 2011.
Xeerka Doorashada Golaha Wakiillada Xeer Lr.20-2/2005.
Xeerka diiwaangelinta codbixiyeyaasha Xeer Lr. 37/2007, oo uu weheliyo kaabistii iyo wax ka beddelkii lagu sameeyey 2014 iyo 2016.
Xeerka Anshaxa Axsaabta Qaranka 2017
Xeerka Anshaxa Saxaafadda 2017.
Xeerka Anshaxa xisbiyada Siyaasadda ee hannaanka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee 2009.
Muddada xilka Guddida farsamada maamulka doorashooyinku waxay ku eg tahay maalinta ay Maxkamadda sare ku dhawaaqdo Natiijada Doorashooyinka.
Heshiiska oo faahfaahsan lifaaqan hoose ka akhriso: