Xukuumaddu waxay baaq nabadeed u diray beelaha ku diriraya Dharkayn-Geeyo ee Gobolka Sool

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Cismaan cabdilaahi saxardiid “Caddaani” oo ku hadlaya Afka Xukuumada ayaa Baaq nabadeed u diray labo ardaa oo walaalo ah oo ka tirsan bulsho-weynta reer Somaliland oo dagaal ku dhex maray Gobolka Sool, baaqaasina waxa uu u dhignaa sida tan:

Baaqa nabadeed ee Wasiirka ayaa u dhignaa sidan

‘Mudanayaal iyo Marwooyin, Waxaan jeclahay in aan halkan idiinku soo Gudbiyo xog ku saabsan dhacdadii murugada lahayd ee labadii maalmood ee u dambeeyey ka dhacaysay Degmada Dharkayn-Geeye ee Koonfurta Gobolka Sool, Taasoo Khasaare aan la filayn ka dhex dhashay labo ardaa oo walaalo ah oo ka tirsan bulsho-weynta reer Somaliland , kuwaas oo si kediso ah xabaddu uga dhex bilaabantay iyagoo  wada fadhiya, ka dib markii ay isku afgaran waayeen xaajooyin ay ka wada hadlayeen

Ugu Horrayn aniga oo ku hadlaya afka Dawladda Somaliland Waxaanu tacsi u diraynaa ehelada dadkii halkaa ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmayba iyada oo tirada dadka ku dhintay ay labaatameeyo gaadhayso, tiro kale oo intaa ka badanina ay ku dhaawacantay

Dawladda Somaliland waxay qaadday talaabooyinkii lagama maarmaanka ahaa ee ay kaga hawlgeli lahayd mashaqadaas .

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  markii dhiiladaasi soo gaadhay waxa uu amray in ciidanka Qaranku si degdeg ah u kala dhexgalaan labada dhinac, si loo joojiyo khasaare kale oo sii kordha. Illaa hadana ciidanka Qaranku waxay ku sugan yihiin goobihii waxyeeladu ka dhacday.

Sidoo kale Xukuumadu waxay tallaabooyin lagu adkaynayo ammaanka dadweynaha  ka qaadday gudaha magaalada Laascaanood si looga hortago in falal dhibaatadaa la xidhiidhaa ka dhacaan,  maadaama labada ardaa wada degan yihiin Magaalo madaxda Gobolka ee laascaanood.

Xukuumadda Somaliland Waxay dhiirrigelisay ergooyin nabadoon oo madax dhaqameed ah oo ka kala tegay Gobolada Somalialnd oo dhan iyo caasimada Hargeysa oo ay hoggaaminayaan wasiiro, Madax-dhaqameed, xubno ka kooban labada golle Guurtida iyo Wakiilada, kuwaas oo hadda ku sugan aaggii dhibaatadu ka dhacday.

Intaa ka dib Xukuumada Somaliland oo ah hay’adii fulineed ee Dalkan, mas’uulna ka ah ammaanka Qaranka waxay ugu baaqaysaa  dadkii halkaa ku dagaalamay in ay ka fekeraan dhiigga Qubanaya, isla markaana joojiyaan xabadda, una dhego nuglaadaan Ciidamada Qaranka ee Nabadda ka shaqaynaya iyo Ergooyinka nabadeed ee madax dhaqameedku horkacayo ee u gurmaday.

Haba yaraatee Xukuumada Somaliland waxba kala hadhi mayso  sidii dhibaatadaa loo joojin lahaa is afgarad-na loogu dhammayn lahaa waxii dhacay iyo waxii sababta u ahaaba.

Mahadsanidin

Cismaan Cabdilaahi saxardiid (Caddaani)

Afhayeenka Xukuumada  Somaliland, ahna

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta